Riyaad:-Boqor Salmaan-ka Sucuudiga Oo Booqashadii Ugu Horreysay Ku Maraya Gudaha Dalkiisa

0
Wednesday November 07, 2018 - 11:55:21 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Riyaad:-Boqor Salmaan-ka Sucuudiga Oo Booqashadii Ugu Horreysay Ku Maraya Gudaha Dalkiisa

    Boqor Salmaan-ka Sucuudiga Oo Booqashadii Ugu Horreysay Ku Maraya Gudaha Dalkiisa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqor Salmaan-ka Sucuudiga Oo Booqashadii Ugu Horreysay Ku Maraya Gudaha Dalkiisa


Maalin kasta wax cusub ayaa kasoo kordhaya xaaladda uu ku dhintay weriye Jamal Khashoggi, waxaana weli taagan cadaadis arinkaa ka haysta dowladda Sacuudiga.Boqorka dalka Sucuudi Carabiya, Boqor Salmaan ayaa billaabay booqasho gudaha dalkiisa ah markii ugu horreysay tan iyo markii uu qabtay xukunka boqortooyada, xilli haatan uu wajahayo dhaliil caalami ah oo ku aadan dilkii wariye Jamaal Khaashuq-ji.

Falcelinta arinkaasi ee dowladda Sacuudiga ayaa waxaa ka mid ah in fadhiga laga kiciyo boqor Salmaanka 82 jirka ah, oo bilihii la soo dhaafay awood badan gacanta u galiyay wiilkiisa dhaxal sugaha ah.

Socdaalka uu ku marayo dalkiisa ayaa Boqor Salmaan fursad u siinayso inuu u muuqdo astaan mideyneysa Sacuudiyiinta.

 

Qaar ka mid ah shacabka dalkaasi ayaa walaac ka muujiyay in isbedellada dhaqaale iyo kuwa bulsho ee uu soo bandhigay dhaxal sugaha ay khatar uga iman karto tuhunka ah inuu ku lug lahaa dilki lagula kacay wariye Khashoggi.

Dhanka kale, BBC qeybteeda afka Carabiga ayaa ogaatay in shakhsiyaadka fadhigoodu yahay London ee aadka u dhaliila hab-dhaqanka arrimaha xaquuqul insaanka ee dowladda Sucuudiga la siiyay boolis ammaankooga aad u ilaaliya, kaddib markii ay sheegeen in nolashoodu ay halis ku jirto.

Inkastoo ciidamada la dagaalanka argagixisada ay sheegeen in aysan ka hadli karin arrintaasi, haddana BBC-du waxay ogaatay in shakhsi aan sababo ammaan awgii magaciisa la shaacin karin isla markaana aad u dhaliila dowladda Sucuudiga ammaankiisu 24-ka saac ay ilaaliyaan ciidamada kaddib dilkii weriye Jamaal Khaashuqji.

BBC Arabic waxay shaacisay afduub iyo tacaddiyo muddo ka jiray gudaha Sucuudiga iyo waddamada reer Yurub, kuwaasi oo ka dhan ahaa dadka dhaliila siyaasadda Sucuudiga waxaana ay sidoo kale daboolka ka qaaday caddeymo muujinaya qof xabsi lagu dhex dilay sanad ka hor dilkii Khaashuqji.

 

Sources: BBC Somali