Muqdisho:-Maxaa Kasoo Baxay Kulan Sannadeedkii Wasiirrada Dawladda Soomaaliya
Golaha wasiirrada dalka Soomaaliya oo mudda laba maalmood ah uu Muqdisho uga socday kulan sannadeedka dar-dar gelinta qorshayaasha qaranka ayaa isku raacay in la xoojiyo wada shaqaynta ka dhaxaysa hay’adaha dawladda, dar-rar gelinta dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa, kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta amniga caasimadda, in dhaqankii qaldanaa lagu bedelo dhaqan ku salaysan run isu-sheegid, in si hufan loo ilaaliyo amaanada ummadda iyo in la xoojiyo isla xisaabtanka.
Golaha ayaa sidoo kale isku raacay in dib loo eego hal-beegyada siyaasadda loo dhanyahay oo xoogga la saaro dhamaystirka dastuurka, meel marinta sharciyada muhiimka u ah hannaanka awoodda loogu celinayo gacanta ummadda Soomaaliyeed si ay doortaan hoggaanka ay xaqa u leeyihiin.
Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ku boorriyay wasiirrada in ay dhaqan geliyaan qodobadii kasoo baxay shir sannadeedka si loo gaaro hiigsaga ummadda Soomaaliyeed.
Muqdisho:-Maxaa Kasoo Baxay Kulan Sannadeedkii Wasiirrada Dawladda Soomaaliya
Maxaa Kasoo Baxay Kulan Sannadeedkii Wasiirrada Dawladda Soomaaliya