Musharixiinta madaxweyne ee Koonfur Galbeed oo dalbaday in doorashada dib loo dhiggo

0
Thursday November 08, 2018 - 13:59:44 in by salman abdi
  • Visits: 443
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharixiinta madaxweyne ee Koonfur Galbeed oo dalbaday in doorashada dib loo dhiggo

    Musharixiinta madaxweyne ee Koonfur Galbeed oo dalbaday in doorashada dib loo dhiggo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musharixiinta madaxweyne ee Koonfur Galbeed oo dalbaday in doorashada dib loo dhiggo

Gole ay ku mideysan yihiin musharixiinta madaxweyne ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa dalbaday in dib loo dhiggo waqtiga doorashada oo lagu ballamay markii hore 17ka bishan.

Dhinaca kale musharixiinta ayaa soo dhaweeyay tallaabadii uu xilka uga digay madaxweynihii hore ee maamulka Shariif Xassan Sheekh Aadan oo xilka iska casilay galinkii danbe ee maalintii shalay.

 

Qoraal ay wada jir u soo saareen musharixiintan ayaa sidoo kale lagu dalbaday in la soo dhameystiro xubnihii iska casilay Guddiga doorashada, xubno cusubna la horgeeyo baarlamaanka, si loo ansixiyo.

 

Musharixiinta baaqan ku midoobay ayaa sidoo kale dalbada in Beesha Caalamka ay ku garab gasho sidii ay doorashada u noqon laheyd mid daah furnaan ah oo si xalaal ah u dhacday.

Akhriso Qoraalka :