Safiirka Somaliland Ee Dalka Kenya Muxuu ka Yidhi Doorashadii Ilhaan Cumar Iyo Horumarka Siyaasada Soomaalida

0
Friday November 09, 2018 - 18:13:07 in by salman abdi
  • Visits: 427
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safiirka Somaliland Ee Dalka Kenya Muxuu ka Yidhi Doorashadii Ilhaan Cumar Iyo Horumarka Siyaasada Soomaalida

    Safiirka Somaliland Ee Dalka Kenya Muxuu ka Yidhi Doorashadii Ilhaan Cumar Iyo Horumarka Siyaasada Soomaalida

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiirka Somaliland Ee Dalka Kenya Muxuu ka Yidhi Doorashadii Ilhaan Cumar Iyo Horumarka Siyaasada Soomaalida

afiirka somaliland ee dalka Kenya Baashe Cawil Cumar ayaa ka hadlay doorashadii dalka Maraykanka ee ay ku soo baxday Ilmaan Cumar oo ka mid noqotay aqalka wakiilada ee maraykanka.

Safiirka somaliland ee dalka Kenya Amb Baashe Cawil ayaa sheegay inuu hambalyeynayo soomaali kasta oo guul ka gaadha dalka uu ku nool yahay, isaga oo tusaale u soo qaatay sida ay soomaalidu heer uga gaadhay siyaasadaha dalalka Itoobi iyo Maraykanka.


Amb Baashe Cawil oo qoraal uu ka hadlayo amuurahn ku baahiyey bogiisa Facebook ayaa waxa uu yidhi "

"KALA GUURKII MAAHEE KALA GURASHO WEEYE"

 

Waxaan hambalyo u dirayaa ILHAN

 



 

OMAR oo noqotay gabadhii ugu horreysay ee Soomaaliyad soo galooti ah ee loo doorto Aqalka Hoose ee Congress ka dalka Markaykan. Guusheedu waxay farriin togan u tahay dhammaan ummada soomaalida ah inay codkooda Iyo cududoodu caalamka ka shaqeeyo.
Qofka kasta oo soomaali ah deegaanka uu doono ha ka soo jeedee ee xaqiijiya guulaha mar la araga ku ah dunidu, waxay Mudan yihiin ku dayasho iyo hambalyeyn. waxaa na muhiim ah in la kala fahmo Soomaalinimada Iyo dawladnimadu waa labo arrin oo kala Madax bannaan, qofka soomaaliga ahi libintiisa lagu ma doodsiin karo dawladdaas ayuu ka soo jeedaa ama deegaankaas.

 


Ugu dambayntii aragti ahaan waxaanu aaminsan nahay cod dheer na ku sheegaynaa waxaanu ku faanaynaa soomaliga Kenya jooga ee xaqiijiyay guul uu dadka kale kaga muuqdo, soomaaliga Ethiopia jooga ee xaqiijiya guul taas la mid ah, Soomaliga jooga North America, Jabuuti, ee xaqiijiya guul wax ku ool u ah, Iyo dhammaan qofkasta oo sinjigiisu Soomaali yahay ee jooga dunida jooga oo xaqiijiya guul waanu Hambaleynaynaa.
"Ma ihi Sinji diid ee Soomaali weyn nimo diid ayaanu nahay.


Waxaan ahay Soomaali, sidoo kale na ah Somalilander ka Madax bannaan Somalia, oo ogol in la noqdo laba Dawladdood oo walaalo Iyo wehel iskaga ah dunida xaalad adag Iyo mid fududba.