Muqdisho:-Diyaarada Ethiopian Airline Oo Muqdisho Ka Degtay Tobonaan Sanno Kadib + Munaasibad Balaadhan Oo Loosameeyay SAWIRO.
Diyaarada Ethiopian Airline ayaa mudo 40 sanadood ah ka dib ka degtay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.
Diyaarad nooceedu yahay Boeign 737 ayaa Duulimaadkii ugu horeeyey ee ay timaado magaalada Muqdisho ayaa waxa la socday dad rakaab ah oo gaadhaya 50 qof.
Qunsulka koowaad ee safaarada dawlada soomaaliya ku leedahay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya Cabdilaahi Maxamed Warfaa oo ka mid ahaa rakaabkii la socday diyaaradan ayaa ka hadlay faa,iidada ku jirta duulimaadyada tooska ah ee ay bilawday diyaarada Ethiopain Airline "Maanta duulimaadkii ugu horeeyey ayey diyaarada Ethiopian Airline ku timid magaalada Muqdisho, runtiinan duulimaadkani waxa uu ganacsatada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya u sahlayaa fududaynta ganacsigooda la xidhiidha xamuulka, waana uulu soo hoyatay ganacsatada soomaaliya.”
Munaasabad kooban oo lagu soo dhaweynayay diyaaradaha oo ka dhacday garoonka Aadan Cadde waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo uu ka mid ahaa Wasiirka Duulista Hawada Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Salaad Oomaar.
Wax yaabaha la yaabka leh waxaa ka mid ahaa in xitaa gudaha diyaaradaha intii ay hawada ku soo jirtay lagu dhigay xaflad kooban oo loogu dabaal-dagayay bilowga dullimaadkan u dhaxeeya labada magaalo.
Waa diyaaradihii ugu weyneyd ee heer caalami ah oo soo caga-dhigata Garoonka Aadan Cadde marka laga soo tago Turkish horay dullimaad toos ah uga bilaawday Muqdisho
Muqdisho:-Diyaarada Ethiopian Airline Oo Muqdisho Ka Degtay Tobonaan Sanno Kadib + Munaasibad Balaadhan Oo Loosameeyay SAWIRO.
Diyaarada Ethiopian Airline Oo Muqdisho Ka Degtay Tobonaan Sanno Kadib + Munaasibad Balaadhan Oo Loosameeyay SAWIRO.