Haween reer Iiraan ah oo loo ogolaaday inay goob fagaaro ah ku daawadaan ciyaar

0
Sunday November 11, 2018 - 07:42:15 in by salman abdi
  • Visits: 429
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haween reer Iiraan ah oo loo ogolaaday inay goob fagaaro ah ku daawadaan ciyaar

    Haween reer Iiraan ah oo loo ogolaaday inay goob fagaaro ah ku daawadaan ciyaar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haween reer Iiraan ah oo loo ogolaaday inay goob fagaaro ah ku daawadaan ciyaar

Boqolaal ah haweenka dalka Iiraan ayaa loo ogolaaday in ay ka qaybgalaan daawashada ciyaarta kama dambeysta ah ee horyaalka dalalka Eeshiya oo ka dhacday magaalada Tehran.

Wakaalada wararka ee dalka Iiraan ee Isna ayaa baahisay warka ku saabsan in haweenkaasi loo ogoladay ka qeyb galka ciyaarta.

Tallaabadani ayaa loo arkaa mid suuragal ka dhigaysa soo afjarida mamnuucida dowladda Iiraan ay ku soo rogtay in haweenka ay ciyaaraha goob fagaaro ah ku daawadaan oo garoomada ay tagaan.

In ka badan 35 sano ayay dalkaasi Iiraan mamnuuc ka ahayd in haweenka ay ka qeyb galaan ciyaaraha waawayn.

Waxa la sheegay in inta badan haweenka ciyaartan ka qayb galay ay qaraabo ahaayeen ciyaatooyda ama ay xubno ka ahaayeen ciyaartooyda kooxaha haweenka.

Haweenka ayaa ka qaybgalay daawashada ciyaar dhex maraysay kooxda reer Iiraan ee Persepolis iyo koox ka socotay Japan oo lagu magacaabo Kashima Antlers.

Xiriirka kubadda cagta aduunka ee Fifa ayaa waxa ay ka shaqaynayaan sidii ay Iiraan mamnuucidaasi u qaadi lahayd.

Bishii aanu soo dhaafnay 100 haween ah ayaa loo ogolaaday in ay daawadaan ciyaar saaxibtinimo oo u dhaxeysay Iran iyo Bolivia,balse xannibaadaha ayaa markiiba dib loo soo celiyay.

.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image caption.

Bishii March ee sanadkan 35 hablood ayaa la xiray ka dib markii ay isku dayeen in ay ka qeyb galaan ciyaar u dhaxeeysay kooxaha Persepolis iyo Esteqlal.

Madaxwaynaha Fifa, Gianni Infantino, iyo wasiirka ciyaaraha ee Iiraan Masoud Soltanifar ayaa sidoo kale ka mid ah dadkii ka qayb galay daawashada ciyaartaasi.

Haweenka iyo gabdhaha ree Iiraan ayay dhif iyo nadir tahay in loo ogolaado in ay ka qayb galaan daawasahda ciyaaraha ragga.

Mamnuuciddan ayaa la soo rogay sanaddii 1979 xilligaasi oo uu dalkaasi ka cirtay kacaanak Islaamiga ah.

Balse haweenka taageerayaasah ah ee ka yimid dalalka klae ayaa loo ogolaanayay in ay ka qayb galaan qaar ka mid ah ciyaaraha.