Boqor Raabi Oo Walaac Ka Muujiyay Hanaanka Uu Madaxweyne Biixi Dalka Hogaaminayo

0
Monday November 12, 2018 - 09:26:25 in by salman abdi
  • Visits: 408
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boqor Raabi Oo Walaac Ka Muujiyay Hanaanka Uu Madaxweyne Biixi Dalka Hogaaminayo

    Boqor Raabi Oo Walaac Ka Muujiyay Hanaanka Uu Madaxweyne Biixi Dalka Hogaaminayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqor Raabi Oo Walaac Ka Muujiyay Hanaanka Uu Madaxweyne Biixi Dalka Hogaaminayo

Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi oo ka mid ah Madax dhaqameedka ugu miisanka Culus Somaliland ayaa Walaac ka muujiyay hanaanka uu Madaxweyne Biixi dalka ku hagaaminayo waxaanu Bulshada ugu baaqay inay nabadgalyadooda iyo isku duubnidooda ilaashadaan, waxa kale oo uu digniin ka bixiyay cabudhinta Saaxafada Madax banaan oo uu sheegay in qaar ka mid ah loo maat maatinayaa sida Wargeyska FOORE iyo Tv-ga SAAB, isagoo dhinaca kalena Xukuumadda ugu baaqay inay bilaa shuruud ku soo dayso dadkii laga xidh xidhay Xaafadaha Maxamuud Haybe iyo Ahmed Mooge.


 

Boqorka ayaa ugu horayn waxa uu yidhi"Waxaan doonayaa inaan dadka baraarujiyo oo aan u sheego in sida wax loo wadaa si munaasib ah inaanay ahayn, Wixii dhacay waad ogtihiin, Dalku siduu yahayna waan ognahay, xaaladu siday tahayna waynu ognahay, in dalkii cid kale maamulayso waad ogtihiin, inay tababaro ka socdaan waad ogtihiin, oo cid aan inaga ahaynin ay tababarka wado,waad ogsoon tihiin Kutladii meesha qabsatay, dadka intiisa kale waxaanu ku baraarujinaynaa inay tashadaan,inay dalkooda u taliyaan, inay siday imika wax yihiin ay dalkooda ka badelaan, oo aanay macquul ahayn Madaxtooyadda ayaa la rarayaa, ku socon maayo dalku wax walba waxaan u dhiibanayaa inaadeerkay,

Waxa kale oo uu yidhi"Xaafada ilmaadeeray ayaa leh, xaafaduna waa xaafadayadii oo Madaxtooyaddana waan u raranayaa waar waxaasi wax soconaya maaha, waxaanu u sheegaynaa cid kasta oo Hantii Umadda qaadata intii uu Siilaanyo hayay iyo inta imikaba in laga daba tagi doono oo ay Gidigoo xaaran tahay wixii lagu bixiyay, umaddana waxaanu ku baraarujinaynaa inay Nabadgalyadooda illaashadaan, wada jirkooda ilaashadaan oo nooca wax loo wado aanay aqbalin”.


Ugu Dambayn waxa uu yidhi"imika xaafadan Maxamed Mooge dadkii u kacay ee Cashuurtoodii la cunay ee Cashuurtoodii Guryaha lagu dhisanayo ee yidhi waxaanu samaysanaynaa Maamul ee Jeelasha ku jira oo lagu ilaaway durba,waxaanu leenahay iyagana bilaa shuruud halagu soo daayo, waxaa la iisheegayaa Saxaafada qaar ka mid ah in Bartilmaameed laga dhigtay (Target), sida Tv-ga Saab iyo Wargeyska Foore, waxaanu leenahay iyagana hala xishoodo,”.



Xigasho Foore