Layaab:-50 Jirku Waa Da'da Dahabiga Ah Ee Ninka, Laakiin Waxaa Jirta Sabab Uu Ninku Uga Baqo Inta Aanu Gaadhin

0
Wednesday November 14, 2018 - 13:00:33 in by salman abdi
  • Visits: 395
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Layaab:-50 Jirku Waa Da'da Dahabiga Ah Ee Ninka, Laakiin Waxaa Jirta Sabab Uu Ninku Uga Baqo Inta Aanu Gaadhin

    50 Jirku Waa Da'da Dahabiga Ah Ee Ninka, Laakiin Waxaa Jirta Sabab Uu Ninku Uga Baqo Inta Aanu Gaadhin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

50 Jirku Waa Da'da Dahabiga Ah Ee Ninka, Laakiin Waxaa Jirta Sabab Uu Ninku Uga Baqo Inta Aanu Gaadhin

Waxaa caadi ah in aadamuhu uu ka baqo gabowga; oo gabadhu waxa ay ka baqdaa in ay Afartan jir gaadho, ninkuna ma jeclaysto in uu da’da kontonka buuxsado. Laakiin waxa la ogaaday in marka uu mid kastaa gaadho da’daa uu ka baqanayey in ay wax weyni iska beddelayaan aragtidii hore, mid kastaana uu garawsado in cabsidiisaa hore aanay sax ahayn.


Qoraaga Ingiriiska ah ee Grant Filer ayaa wargeyska The Telegraph waxa uu uga warramay sababaha ugu waaweyn ee keena in ninku uu marka uu Konton jir gaadho ay farxaddiisu u badato. Gaar ahaan marka qabto shaqo ama hawl ku cusub oo ka duwan intii uu hore u yaqaannay.

 

Culimada cilminafsigu waxa ay aaminsan yihiin in da’ kastaa ay leedahay duruufaheeda iyo waayo-aragnimadeeda, sidaa awgeed ay muhiim tahay in aanu qofku ka cabsan da’da weyn, gaar ahaan 50 jirka oo ay khubarada qaar kuba tilmaamaan da’da dahabiga ah.

Warbixin aynu ka soo xigannay shabakadda wararka ee Alcarabiya ayaa tilmaamaysa sababaha ay xeeldheereyaasha cilminafsigu da’dan ugu tilmaameen da’da dahabiga ah.

– Ninku marka uu 50 jir gaadho waxaa u kordha garasho iyo aqoon hor leh, waxa aana ku beerma dareen cusub oo ah jacayl uu u qabo in uu gaadho guulo ka weyn intii uu hore u samayn jiray, iyo in uu ku raaxaysto midhihii uu kontanka sano soo beerayey.

Da’da Konton jirku waa marka uu ninku si dhab ah u ogaado in waqtigii dheeraa ee soo maray uu ka faa’iideeyey iyo in kale, inta badanna waxaa lagu tilmaamaa in ay tahay da’da guusha.

– Konton jirka waxaa si fician u bislaaday waayoaragnimada nololeed, waxa aana u bilowda waqto uu awoodi karo in uu ka faa’iidaysto xusuusaha soo maray. Waxa kale oo da’dan lagu tilmaami karaa da’da is xisaabinta, oo inta badan waxa uu ninku bilaabaa in uu dib u xasuusto fursadaha kala duwan ee noloshiisa soo maray iyo himilooyinka uu lahaa ee aanu gaadhin ama xaqiijin kari waayey. Sababtaas ayaana keenta in qofku marka uu 50 sano gaadho uu aamino in noloshu ay gaaban tahay oo aanay ku filnayn in qofku uu hawlo badan iyo guulo waaweyn qabto.

– Ninku marka uu da’da 50 jirka gaadho waxaa uu galaa xaalad ‘dib isu helis’ lagu tilmaami karo. Waxaa ku berma karti ah in uu isbeddelka qaadan karo, iyo in uu si hor leh uga faa’iidaysan karo xirfadihiisa iyo hibooyinkiisa. Laakiin fursaddan dambe ragga oo dhami kama faa’iidaystaan, balse waxa keliya ka faa’iidaysta ragga leh ku dhaca, nolosha waajaha, marar badanna u diyaarka ah is miidaamin.

– Konton jirka waxaa ninka ku bilowda jacayl intii hore ka badan oo u uu qaado nasashada iyo raaxada. Waxa uu bilaabaa xiisaha ah in uu waqti fiican ku qaato oo uu k uraaxaysto waxyaabihii aanu dhalinyaranimadiisii waqtiga u helin. Waxa uu jecel yahay in uu waqti badan nasashada u helo.

– Ninku marka uu da’da Konton gaadho, waxa uu awood intii hore ka badan u yeeshaa in uu cadhadiisa xakameeyo, ama u beddelo tamar uu si togan uga faa’iidaysan karo. Si kasta oo ay dhalinyaranimadu u wadato kulayl iyo cadho badan, da’da kontonka ayaa ay ku joogsataa.