Hargaysa:-Madaxweyne Biixi Oo Noqday Madaxweynihii U Horeeyey Ee Lagu Celiyey Laba Xeer Oo Uu Dhaqan Geliyey

0
Wednesday November 14, 2018 - 13:03:16 in by salman abdi
  • Visits: 412
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:-Madaxweyne Biixi Oo Noqday Madaxweynihii U Horeeyey Ee Lagu Celiyey Laba Xeer Oo Uu Dhaqan Geliyey

    Madaxweyne Biixi Oo Noqday Madaxweynihii U Horeeyey Ee Lagu Celiyey Laba Xeer Oo Uu Dhaqan Geliyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Biixi Oo Noqday Madaxweynihii U Horeeyey Ee Lagu Celiyey Laba Xeer Oo Uu Dhaqan Geliyey Madaxweyne Biixi Oo Noqday Madaxweynihii U Horeeyey Ee Lagu Celiyey Laba Xeer Oo Uu Dhaqan Geliyey

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo wakhtigii Xil-hayntiisu sannad gaadhayso, ayaa noqonnaaya Madaxweynihii u horreeyay ee Somaliland soo mara oo Xeerar uu dhaqan-geliyay dib loogu noqdo, kadib markii ay soo baxeen dhaliilo ku jira Xeerarkaas uu gacantiisa ku saxeexay dhaqan-galkoodda.


Wax ka beddelkani nuxur ahaan wuxuu meesha ka saaray Saddex arrimood oo Xeerka ku jira, kuwaasoo kala ah:-Maanta waxa Golaha Wakiiladda la horkeenay wax ka bedel lagu sameeyey Xeerkii booliiska Somaliland ee dhowaan uun Madaxwaynuhu saxeexay dhaqan-galkiisa.

1. Gudi madax banaan oo looga cawdo booliiska.

2. Maxkamadaha caadiga ah inlooga caban karo booliiska Iyo

 

3. Inaan xabad nool loo isticmaali karin dad shacab ah.

Sidoo kale Waxaa Dib u eegis lagu samaynayaa Xeerka Kufsiga iyo Xadgudubyada ka dhanka ah Jinsiga kaas oo Madaxweyne Muuse Biixi uu dhaqan geliyey.

Hasa Yeeshee markii Madaxweynuhu Meel mariyey Xeerkan waxay qaylo dhaan iyo Canbaarayn xoogani kaga timid Xisbiyada qaranka,Culimadda, Iyo qaybaha Bulshada oo tilmaamay in Xeerkani uu ka hor imanayo Diinta Islaamka iyo Dhaqanka Suuban ee Shacabka Somaliland Maadaama ay ku Jiraan qodobo si cad uga hor imanaya Diinta Islaamka.

Hogaanada Xisbiyadda Qaranka iyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa markaas kadib yeeshay Kulan gaar ah waxaanu Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa Warbaahinta u sheegay in Madaxweynuhu go’aamiyey in dib u sixid lagu sameeyo Xeerka Kufsiga iyo Xadgudubyada ka dhanka ah Jinsiga Isla markaana laga saaro Wax kasta oo ka hor imanaya Distoorka iyo Diinta Islaamka labadaba.

Khubarada lafo gura Siyaasada ayaa aaminsan in Sababaha keenay in Xeerar uu Madaxweynuhu dhaqangeliyo dib loogu noqdo kadib markii laga helay Khaladaad culus ay gun dhigeedu yahay in aanu Madaxweynuhu lahayn La taliyeyaal uu Xilsaaran eegista iyo ka talo bixinta Shuruucda kala duwan ee kaga Timaada Golayaasha Sharci dejinta taas oo keeni lahayd in Madaxweynuhu qodobada uu Saluugo dib ugu celiyo Golaha Wakiiladda hasa yeeshee waxay la taliye la’aantu sababtay in Madaxweyne Muuse Biixi uu qallinka ku duugay Xeerar ay ku hoos duugan yihiin qodobo ka hor imanaya diinta,iyo dhaqanka bulshadda.