Waxaan qabanay ciidamo magac-yo iyo darajooyin kala duwan mishaar ku qaadanayay"Taliyaha Ciidanka Police-ka Somalia.
Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay la xiray Shan Askari oo kaamid ah ciidanka Booliska Soomaaliya kuwaas oo magacyo kala duwan oo aysan laheyn Mushaar ku qaadanayey.
"Booliska waxaa uu Todobaadyadda soo socda Baaritaan ku sameyn doonaa dadka Dowladda xaquuq uga qaata si-aan sharcigga waafaqsaneyn ama sharci darro ah cidii arrintaas lagu helana waxaa la horkeeni doonaa sharciga iyada oo aanan ka ganbasho laheyn” Sidaas waxaa sheegay taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya.
Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in arrintani ay ku guuleysteen kaddib baaritaano in muddo ah lagu hayay raga la soo xiray,wuxuuna intaasi ku daray in ay ka kala tirsanaayeen ciidanka Booliska iyo kuwa xoogga dalka, islamarkaana ay mushaaaraad ay ku qaadan jireen magacyo iyo darajooyin kaladuwan.