Wariyayaal Soomaaliyeed oo dalbaday in uu cadaallada la horkeeno dadkii ka danbeeyay dilkii Jamaal Khashoggi

0
Sunday November 18, 2018 - 14:19:45 in by salman abdi
  • Visits: 393
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wariyayaal Soomaaliyeed oo dalbaday in uu cadaallada la horkeeno dadkii ka danbeeyay dilkii Jamaal Khashoggi

    Wariyayaal Soomaaliyeed oo dalbaday in uu cadaallada la horkeeno dadkii ka danbeeyay dilkii Jamaal Khashoggi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wariyayaal Soomaaliyeed oo dalbaday in uu cadaallada la horkeeno dadkii ka danbeeyay dilkii Jamaal Khashoggi

Iyadoo wali la hadal hayo islamarkaana dood weyn uu ka taagan yahay kiiska dilkii wariye Jamaal Khashoggi oo bishii hore lagu dhaxdilay qunsuliyada Sacuudiga ee magaalada Istanbul dalka Turkiga ayaa markii ugu horeysay arintan waxaa dareenkooda ka muujiyay wariye-yaal Soomaaliyeed.

 

 

Koox Weriyayaal ah ayaa isugu yimid barxadda xarunta warbaahinta Goobjoog iyagoo sita boorrar lagu xardhay sawirrada weriyaha Sucuudiga ee la dilay iyo erayo ay kamid ahaayeen Jamaal waa inuu helaa Caddaalad.

 

Maxamed Boosh oo kamid ah suxufiyiintii maanta ka qeyb galay isu soo baxa Muqdisho ka dhacay ayaa sheegay inay ka xun yihiin dilka weriyaha isla markaasna Soomaaliya ay kamid tahay meelaha weriyeyaasha ay dhibaatada kala kulmaan.

"Waxaan muujineynay sida aan ugu xunnahay, waxaanu qeyb ka nahay weriyeyaasha adduunka, Soomaaliyana waxay kamid tahay meelaha suxufiyiintu ay dhibaatooyinka kasoo gaaraan, tiro badan oo weriyeyaal ah ayaa lagu dilayay ilaa 1991-kii, waanna mid kamid ah meelaha ugu halista badan ay weriyeyaashu ka howlgalaan" ayuu yiri Maxamed Boosh.

 

Masaajido ku yaalla Sucuudi Carabiya iyo Turkiga ayaa salaadda janaasada looga tukaday wariye Jamaal Khaashuqji ee la dilay.

Jamaal Khaasuqji oo 2-dii bisha October lagu dilay qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbuul waxaan weli waxaan war ah laga haynin meydkiisa halka uu ku dambeeyey.

 

Boqortooyada Sucuudiga waxay sheegtay in amarka lagu dilay Jamaal uu ka soo baxay xubno ka tirsan sirddoonka Sucuudiga balse Dhaxal sugaha boqortooyada Amiir Maxammed Bin Salmaan uu wax shaqo ah ku lahayn dilkiiisa.

Turkigana wuxuu ku adkeysanayaa amarka dilka Khaashuqjii inuu ka soo fulay madaxda ugu sarreysay boqortooyada Sucuudiga.