Koonfur Afrika:-Madaxweynaha Koofur Afrika Oo Dib U Bixinaya Dhaqaale Ku Baxay Ololihiisii Madaxtinnimo

0
Monday November 19, 2018 - 09:54:39 in by salman abdi
  • Visits: 559
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Koonfur Afrika:-Madaxweynaha Koofur Afrika Oo Dib U Bixinaya Dhaqaale Ku Baxay Ololihiisii Madaxtinnimo

    Madaxweynaha dalka Koofur Afrika, Cyril Ramaphosa, ayaa dib u bixinaya lacag gaareysa ku dhowaad 35 kun oo doollarka Mareykanka ah taas oo shirkad musuqmaasuqa lagu eedeynayo lalana xiriirinayo wiilkiisa ay ugu deeqday ololihiisii madaxtinnimada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalka Koofur Afrika, Cyril Ramaphosa, ayaa dib u bixinaya lacag gaareysa ku dhowaad 35 kun oo doollarka Mareykanka ah taas oo shirkad musuqmaasuqa lagu eedeynayo lalana xiriirinayo wiilkiisa ay ugu deeqday ololihiisii madaxtinnimada.



Ramaphosa ayaa hore baarlamaanka ugu sheegay in lacagta ka timid shirkadda Bosasa, la siiyay wiilkiisa, Andile, oo sida uu sheegay shaqo u qabtay shirkadda.Shirkadda dhaqaalaha bixisay oo lagu magacaabo Bosasa, ayaa ku guuleysatay qandaraasyo ay dowladda bixisay, balse waxaa ku socda baaritaan.

Balse wuxuu markii dambe qirtay inay ahayd deeq loogu talo galay ololaha madaxtinnimada xisbigiisa ANC.

Inkastoo uu Ramaphosa sheegay in deeqdaasi la bixiyay  isagoo aan ogeyn, haddana waxaa tani loo arkaa inay ceeb ku tahay madaxweyne ballan qaaday inuu tirtirayo musqmaasuqa.

 

Ramaphosa ayaa amray in qiimeyn lagu sameeyo dhammaan dhaqaalaha ku baxay ololihiisa hoggaanka xisbiga African National Congress (ANC).

Sidee ayay tan ceeb ugu tahay Ramaphosa?

Mmusi Maimane, oo ah madaxa xisbiga mucaaradka ah ee Democratic Alliance, ayaa sheegay in dhaqaalaha ay Bosasa bixisay uu u muuqdo mid laga shakiyo, si la mid ah dhammaan heshiisyada kale ee dowladda ANC.

Tan iyo intii uu xukunka kala wareegay bishii February sababo la xiriira eedeymo musuqmaasuq, Ramaphosa ayaa u ololeeyay caddaalad u sameynta bulshada.

Bishan dhexdeexa ayay ahayd markii uu ku sheegay musuqmaasuqa hareeyay Koofur Afrika mid faafaya.

Isagoo garwaaqsan in dadka Koofur Afrika ay careysan yihiin ayna doonayaan inay arkaan saraakiil sare oo dowladda ka tirsan oo xabsiga loo diray, ayuu Ramaphosa xaaladda haatan la barbar-dhigay dhibbane kufsi oo lagu qasbay inuu daawado qofkii kufsaday oo xornimo ku naaloonaya.

 

Sources: BBC Somali