Burco:-Bulshada Burco Oo Ka Warsugaysa Waxqabadka Uu La Hor Imanayo Madaxwayne Muuse Iyo Halka Ay Ku Dambeeyeen Balanqaadyadiisii Ololuhu.

0
Monday November 19, 2018 - 09:56:57 in by salman abdi
  • Visits: 540
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Burco:-Bulshada Burco Oo Ka Warsugaysa Waxqabadka Uu La Hor Imanayo Madaxwayne Muuse Iyo Halka Ay Ku Dambeeyeen Balanqaadyadiisii Ololuhu.

    Madaxwaynaha Soomaliland Muuse Biixi Cabdi Ayaa Bari galinka danbe sida la filayo, kusoo wajahan Magalada Burco ee xarunta gobolka togdheer, oo ay ugu dambaysay tartankii doorasho ee rucla oradka loogu jiray kursiga ugu sareeya qaranka Soomaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwaynaha Soomaliland Muuse Biixi Cabdi Ayaa Bari galinka danbe sida la filayo, kusoo wajahan Magalada Burco ee xarunta gobolka togdheer, oo ay ugu dambaysay tartankii doorasho ee rucla oradka loogu jiray kursiga ugu sareeya qaranka Soomaliland.


marka laga reebo madaxwaynaha oo xadhiga ka jaraya jeelka wayn ee magalada Burco, oo hore u bilawday xukumadii kaMadaxwaynaha Soomaliland oo maanta safarkiisi kowaad ugu soo kicitimay gobollada bariga soomaliland oo ku sugan magalada Berbera ayaa iswaydiin mudan muxuu usidaa bulshada goboladda bariga gaar ahaan casimada labaad ee soomaliland ka dib markii u sannad iyo maalmo u dhamaday mudo xileedka madaxwaynenimo ee dalka.

horaysay ee Madaxwayne Silaanyo hogaaminayay oo la doortay Madaxwayne Muuse Biixi isaga oo dhismuhu soconayo iyo kormeer uu ku tagayo garoonka kubada cagta ee Alamzay o o xukumadii hore ay rooga uu iibasay oo hada lagu goglayo.

 

bulshada ku dhaqan magalada Burco ayaa goobaha lagu kulmo,ee ay ka mid tahay, goobaha makhaayadaha ee lagu gorfeeyo siyaasada iyo xaalka dalka lagu hadal hayaa ay is waydiinayaan wax qabadka uu Madaxwayne Muuse Biixi fagaaraha uga sheegi doono bulshada Burco oo khudbad uu uga jeedin doono barxada qasriga madaxtooyada Burco.

bulshada ku dhaqan Magalada Burco ayaa muddo sanad ah ka warsugayay waxqabad muuqda uu Madaxwayne Muuse uu qabto iyaga oo ay qabyo yihiin wadooyin xiligii ololaha Xisbiga Kulmiye iyo wasiiro uu horkacayo Cali Mareexaan, wasiirkii hore ee hawla guud iyo guryaynta oo ku olalayn jiray in uu muddo 45 cisho ah oo ka horeeya olalaha ay ku dhisayaan wadooyin ay ka mid tahay wadada Hawdka oo hada noqotay biyo mareen khatar ku haysa shacabka degan xafadaasi.

ugu dambayn madaxwaynaha iyo xukumadiisa ayaa laga warsugayaa waxyabaha ay kaga jawaabi donaan balanqaadyo badan oo olalihii u xisbiga kulmiye iyo madaxwayne Muuse balan qaaday oo uu dhankiisa raaligalin shacabka ka siiyay badhasabkii hore ee Gobolka Togdheer Mr. Ramax Oo Hada ah Xogahayaha Arimaha Gudaha Ee Xisbiga Ucid.