Berbera:-Madaxweynaha Somaliland oo Kormeer iyo Xadhig-ka-jaris Ku Sameeyey Goobo Muhiim ah oo Magaalada Berbera Ku Yaalla.

0
Monday November 19, 2018 - 14:33:50 in by salman abdi
  • Visits: 460
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Berbera:-Madaxweynaha Somaliland oo Kormeer iyo Xadhig-ka-jaris Ku Sameeyey Goobo Muhiim ah oo Magaalada Berbera Ku Yaalla.

    Berbera:-Madaxweynaha Somaliland oo Kormeer iyo Xadhig-ka-jaris Ku Sameeyey Goobo Muhiim ah oo Magaalada Berbera Ku Yaalla.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Berbera:-Madaxweynaha Somaliland oo Kormeer iyo Xadhig-ka-jaris Ku Sameeyey Goobo Muhiim ah oo Magaalada Berbera Ku Yaalla.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeeray mashaariic waa-weyn oo laga fuliyey gudaha magaalada Berbera, xadhiggana ka jaray dhismeyaal cusub oo loo bineeyey dekedda Berbera.

Madaxweynuhu isaga oo ku gudo-jira safarkiisa shaqo oo maalintii labaad galay, waxa uu kormeer indho-indhayn ah ku tagay Jaamacadda Culuumta Badda ee dekedda Berbera, Keydka Haamaha Shidaalka Berbera iyo xarunta shaybaadhka shidaalka, waxana uu halkaas kula kulmay, isla markaana warbixinno ka dhegaystay masuuliyiinta kala duwan ee qaranka u qaabilsan xarumahaas, kuwaas oo madaxweynaha u sharraxay horumarka ay ku tallaabsadeen iyo caqabadaha ilaa haatan hortaagan.

Sidoo kale, madaxweynuhu waxa uu kormeeray taagga weyn ee casriga ah ee ay xukuumaddu dhawaan soo iibisay, kaas oo wax badan ka taray fududaydinta soo xidhidda maraakiibta iyo la dagaallanka dabka ka kaca maraakiibta dekedda ku sugan, waxana uu madaxweynuhu qaddar kooban kusoo wareegay badda, isaga oo saaran taagga casriga ah ee xukuumaddu soo iibisay dhawaan.

Goobaha kale ee uu madaxweynuhu maanta ku tegay kormeerkiisa shaqo waxa kamid ah Jaamacadda Culuumta Badda, waxana halkaas kusoo dhaweeyey maamulka iyo ardayda jaamacadda oo uu ugu horreeyo guddoomiyaha jaamacadda Culuumta Badda. Prof. Cabdiqani Maxamed Khayre, isaga oo hadallo dardaaran iyo rejo-gelin isugu jira u jeediyey jiilka cusub ee jaamacadda wax ka barta

Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu kormeer ku tegay bilowga dekedda cusub ee shirkadda DP World dhisayso oo cabbirkeedu dhan yahay 400 mitir, isaga oo awaamiir faray maamulka dekedda Berbera amray in hannaan caddaalad ah loo maro wax kasta oo lagama maarmaan u ah taabbo-gelinta dhismahaas, islamarkaana ay bulshada reer Somaliland mar walba mudnaanta koowaad leedahay

"Qoladiinna dekedda maamusha waxa la idinka rabaa halkaas wixii shaqo iyo qandaraas ka baxayaa inay caddaalad ku baxaan oo aanay cabasho kasoo noqonin, qoladanna (DP World ) waa in sidaa lagu kaantaroolaa oo ay sharciga lagu heshiiyo ku socdaan, ta labaadna wax Somaliland karayso oo qalab ama aqoon ah waa inaan cid kale keenin, waqtigana waa inaad ilaalisaan,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Image may contain: 5 people, people sittingImage may contain: 5 people, people sittingImage may contain: 8 people, people standing and indoorImage may contain: 4 people, people sitting and indoorImage may contain: sky and outdoorImage may contain: 4 people, people smiling, people standing and hatImage may contain: sky and outdoorImage may contain: 1 personImage may contain: 4 people, people standingImage may contain: one or more people, sky and outdoorImage may contain: sky, car and outdoorImage may contain: 4 people, people smiling, people standingImage may contain: one or more people, sky, crowd and outdoorImage may contain: 8 people, people smiling, people standing, sky and outdoorImage may contain: 4 people, people smilingImage may contain: 7 people, weddingImage may contain: 6 people, people smiling, people standing and indoorImage may contain: 5 people, people smilingImage may contain: 8 people, people standing