Hargaysa:-Agaasimaha Waaxda Dhulka Ee Wasaarada Hawlaha Guud Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Naqshadayn Ay Ka Wadaan Magaalooyinka.

0
Monday November 19, 2018 - 18:13:55 in by salman abdi
  • Visits: 495
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:-Agaasimaha Waaxda Dhulka Ee Wasaarada Hawlaha Guud Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Naqshadayn Ay Ka Wadaan Magaalooyinka.

    -Wasaarada hawlaha guud guryeynta iyo dhulka ayaa faah faahin ka bixisay naqshadayn ay ku wado magaalooyinka somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

-Wasaarada hawlaha guud guryeynta iyo dhulka ayaa faah faahin ka bixisay naqshadayn ay ku wado magaalooyinka somaliland.


Agaasimaha waaxda dhulka iyo guryeynta ee wasaaradaasi Eng Maxamuud Maal Cali ayaa ka hadlay qorshahan ay ku nashqadaynayaan magaalooyinka ee ay wasaaradu wado, waxaanu soo bandhigay magaalooyinka ay ilaa hada u diyaariyeen nashqadayntaasi.


Ugu horayn agaasime Maal oo ka hadlaya hawlahan nashqadaynta magaalooyinka ee ay wasaarada hawlaha guud wado ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay "Wasaarada hawlaha guud mudooyinkii ugu dambeeyey waxay ku hawlanayd nashqadaynta magaalooyinka, waxaanan ka bilawnay magaalo ganacsiyeedka Wajaale si fiican ayaanay noogu fushay hawshaasi, waxaana xigtay degmada Gabiley oo aanu qorshihii u samaynay iyaga oo ku darsaday miisaaniyada 2019, waxaana ku xigtay degmada Boorama oo aanu todobaadkan ku soo wareejinay maayarka xadiga uu leeg yahay kharashka ku baxayaa, naqshadiina aanu gacanta ayaanu ku hayna, waxa kale oo hada ay hawl wadeenadii ku maqan yihiin degmada Laascaanood, waxaana qorshaha noogu jirta in qorshe magaaleed loo sameeyo degmada Ceerigaabo anaga oo duqa degmadaasna iska af garanay, hawshan aanu wadnaana waxay ka mid ahayd hawlaha wasaarada looga baahan yahay.”ayuu yidhi agaasime Eng Maxamuud Maal Cali oo u waramay Eryaltv.

 

Agaasime Maal ayaa ka hadlay mushkiladaha ay kala kulmayaan naqshadaynta ay magaalooyinka u samaynayaan waxaanu yidhi "Mushkiladaha dhismayaasha soo gala wadooyinku kuma koobna Laascaanood balse waa mushkilad ka jirta dalka oo dhan, degmada Laascaanood-na sida aanu anagu qabno waxay ka mid tahay degmooyinka laga fulin karo, wasiirka hawlaha guudna mudo ayuu ku maqnaa oo maamulkii degmada iyo ganacsatadaba way ka wada hadleen.”

Sidoo kale waxa uu xusay in sharciga dalku u ogolaanayo in wasaarada hawlaha guud iyo nashqadaynta magaalooyinka iyo qaybintaba u ogolaanayo waxaanu yidhi "Sharciga dhulka ee baarlamaanku ansixiyey ee la yidhaa Xr L/17 ayaa qeexaya, mana aha shaqo ku cusub wasaarada hawlaha guud oo ay hada qabato, xiligii burburka ka hor 1979 ilaa mustacmarkii Ingiriiska qorshaynta iyo qaybintaba waxa gacanta ku haysay wasaarada hawlaha guud, taliskii milatariga ahaa ee Maxamed Siyaad Bare ayaa 24 June 1979 markii uu abuuray goleyaasha deegaanka waxa uu shaaciyey in qorshaha iyo qaybintaba ay leedahay wasaarada hawlaha guud, sanadkii 1983 ayuu soo saaray sharci labaad oo uu leeyahay qaybinta iyo qorshayntaba waxa leh dawladaha hoose, sidaas darteed shuruucdii ay somaliland samaysatay sida sharciga Xr L/17 waxa lagu saleeyey sharcigii 1979-1983 ee ay qorshaynta iyo qaybintaba lahayd wasaarada hawlaha guud.”