Togdheer:-Ujeedada Kulan Xildhibaan Cabdilaahi Caasi La Yeeshay Waxgaradka Deegaankiisa.

0
Monday November 19, 2018 - 18:50:52 in by salman abdi
  • Visits: 569
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Togdheer:-Ujeedada Kulan Xildhibaan Cabdilaahi Caasi La Yeeshay Waxgaradka Deegaankiisa.

    Ujeedada Kulan Xildhibaan Cabdilaahi Caasi La Yeeshay Waxgaradka Deegaankiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ujeedada Kulan Xildhibaan Cabdilaahi Caasi La Yeeshay Waxgaradka Deegaankiisa.

Xildhibaan Cabdilaahi Ismaciil Faarax oo ka mid ah goolaha Wakiilada Soomaliland Ayaa Habeenkii xalay guuro ku soo galay Magalada Burco, Isaga oo usocday in uu  deegaanka uu ka soo jeedo uu hor-geeyo madaxwaynaha Soomaliland Muusi Biixi Cabdi oo ku soo wajahan magalaada Burco.


Xildhibaanka oo qadadii markay dhamatay u sheegay inuu isku yeedhay inay uracaan madaxwaynaha inay kala hadlaan waxyaabaha ay xaqa ugu lahayeen Deegaank ahaan,waxanay ugu jawaab celiyeen inaanay suurta 
gal ahayn inuu marna kale qaybiyo marna jeeclaado inuu sida uu jecel yahay loo sameeyo.Xildhibaanka oo qado usameeyay waxgaradka,cuqasha deegaanka uu ka soo jeedo ,ayaa kale kulmay waji gabax aanu ka filanaynin markii u damacsanaa inuu horgeeyo beeshiisa oo deegaan ahaan dega gobolaada Togdheer,Saaxil Iyo Dadmadheedh.

 

Qaar ka mida Cuqaasha iyo waxgaradka ayaa u sheegay HadhwanaagNews in madaxwayaha ayna la kulmaynin,inta uu la socdo xildhibaan Cabdilaahi Caasi ama cida qabanqaabinaysa ay soo marayaan Xildhibaanka,sidoo kale waxay ku eedayeen inuu kale qaybayay deegaanka uu ka soo jeedo dorashadii madaxwaynaha dabadii taasina ay keentay inay didaan inuu horkaco.

Beesha Arab Bari oo Xildhibaankani ka soo jeedo ayaan gabi ahaanba isku arag xilmagacabadii mudadii sanadka ahaa ee u madaxwaynu hayay Talada dalka,taasina ayay ka sugayeen madaxwaynaha inay ka helaan wax xaqa uga lahayeen.

Ugu danbaytii xildhibaanka oo isku dayay inu qanciyo qaar ka mida odayaashiisa ayaan suurta galin waxanay u muqataa mid gacan madhan ka taagan waxgaradka,dhalinyarada,cuqaasha iyo haldoorka deegaanka uu ka soo jeedo.