Muqdisho:-Wasiir Beyle oo ka jawabay eedeytii guddida maaliyada ee Golaha Shacabka

0
Tuesday November 20, 2018 - 16:52:37 in by salman abdi
  • Visits: 707
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho:-Wasiir Beyle oo ka jawabay eedeytii guddida maaliyada ee Golaha Shacabka

    Wasiirka Wasaarradda Maaliyada xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa jawaab ka bixiyay eedeyn uga timid guddiga Maaliyada u qaabilsan Golaha Shacabka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaarradda Maaliyada xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa jawaab ka bixiyay eedeyn uga timid guddiga Maaliyada u qaabilsan Golaha Shacabka Soomaaliya.


Wasiirka ayaa sheegay in uu arkay warbixinta ay soo saareen guddiga oo sida uu hadalka u dhigay xaq u leh in ay arintaa ka hadlaan, balse waxaa uu intaa ku daray in ka wanaagsanaan laheyd in marka hore arrimaha qaar si hoos leysaga wareysto.

"Hay’adda Maaliyadda ee Golaha Shacabka waa Hay’adda ugu sareysa Dalka Kor jeegteyna way nagu leeyihiin xaq ayay u leeyihiin inay Report soo saaraan laakiin waxaa wacnaan laheyd arrimaha qaarkood anagaa Hawsha ku jirnee inaan isla hubsano waxa Bulshada aan u gudbineyno, diyaar ayaan u ahay inaan hortago Golaha oo aan si fiican u balbalaariyo si tifaftirana uga jawaabo Is afgaran waaga jira”.ayuu yiri Wasiirka.

 

Wasiir Beyle ayaa tilmaamay in Dakhliga Dalka uu kordhay iyadoo ay cadeyn u tahay sida ay Soomaaliya kaga soo baxday Heshiisyadii ay la gashay IMF oo ku aadanaa Kororka Dhaqaalaha.

"IMF waxyaabaha ay nagula heshiiyeen waxaa ka mid ah in Dakhliga la Kordhiyo dhamaan Bilihii naloo qabtay halkii la rabay waan dhaafnay, annaga iyo Dowlada Hoose si fiican ayaan u wada shaqeynaa wax kastana way cad yihiin, Guddiga sharafta leh wax ay arkeen inay jiraan ayaa laga yaabaa wixii khaldan waan saxeynaa laakiin guulo badan ayaan ka gaarnay Kordhinta Dakhliga”.

Wasiirka Maaliyadda Beyle ayaa sidoo kale sheegay inuu diyaar u yahay inuu hortago Guddiga Maaliyadda iyo Golaha Shacabka si uu kaga jawaabo dhamaan Su’aalaha ay qabaan, isagoo xusay in haatan isbadal wayn uu ka jiro Maamulka Maaliyadda Soomaaliya isla markaana taasi ay keentay in caalamku uu aamino dalkeena.

Guddiga Miisaaniyada, Maaliyada Qorsheynta iyo La xisaabtanka dowladda ee Golaha Shacabka ayaa hay’addaha dowladda iyo maamulka gobolka Banaadir labaduba ku eedeeyay wax is daba –marin.