Maxay ku kala duwan yihiin Booqashada Gobolada Bariga ee Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Madaxweynihii ka horeeyey Ee Axmed Siilaanyo.

0
Wednesday November 21, 2018 - 10:43:28 in by salman abdi
  • Visits: 623
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay ku kala duwan yihiin Booqashada Gobolada Bariga ee Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Madaxweynihii ka horeeyey Ee Axmed Siilaanyo.

    Maxay ku kala duwan yihiin Booqashada Gobolada Bariga ee Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Madaxweynihii ka horeeyey Ee Axmed Siilaanyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxay ku kala duwan yihiin Booqashada Gobolada Bariga ee Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Madaxweynihii ka horeeyey Ee Axmed Siilaanyo.
Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Iyo Wefti Uu Hogaaminaayo, Ayaa iminka u baqoolay Socdaalo uu tegay Degaanada Bariga Somaliland Gaar Ahaan Gobolada Togdheer Sool Iyo Sanaag. Safarkan ayaa waxaa uu Noqonaya Kii Ugu Horeeyay Ee Uu Ugu Baxo Goboladaasi Bari Tan Iyo Wakhtigii Uu Talada Dalka Qabtay.

sideedaba marka uu Madaxweynuhu uu cusub yahay siiba sanadka ugu horeeya , Ayey booqashadiisa ka muuqataa dardar-gelinta shaqadiisu, isagoo waxna guuleystay halka inta kale qorshaheeda uu markaasi soo baxaayo, taasi oo sanad ka dib ay xukuumadu ku faani-karto, gaar ahaan waxa ay gobol-kasta ka hirgelisay siiba arimihii Balanqaadkiisu ku saabsanaa.

 

Bal Tusaale yar oo fudud haddaan u soo qaato: Saameynta Madaxweynihii Hore ee Axmed Siilaanyo : inkastoo Mudane Axmed siilaanyo uu waxqabadkisii 100 casho ugu horeeyey uu ku qabtay wax-badan: sida Bedelaada lacagtii giinbaarta ahayd ee Gobolada Bariga, Waxbarasho bilaasha, Mushahar kordhin ciidamada Iyo Shaqaalaha ahayd , Dhameystirka Biriishka labaad ee Hargeysa iyo qaarkale.hadana safarkii ugu horeeyey ee Madaxweynihii hore Md, Axmed Siilaanyo hadana ugu baxo Gobolada dalka Sanad ka-dib 2011-kii , markuu arkay inuu wax-badan qabtay, waxna soo dhagax dhigi karo, Ayuu lugtiisii ugu horeeyey ku gaadhay ciidamada Qaranka Somaliland ee ku sugan jiidda hore oo uu balanqaadyadii u sameeyey fuliyey. waxaana ku xigay mashruucii ugu balaadhnaa Somaliland ee wadada dheer ee isku xidhiidhisa Gobolada Togdheer Iyo Sanaag, waxuu kaloo fuliyey jidka isku xidha Gebiley Iyo Boorame.

Waxaana aan odhan-kara Madaxweynihii hore Mudane Axmed Maxamed Maxamuud "Siilaanyo", Sanadkiisii kowaad ayuu qabtay waxii uu mudadiisa oo dhan qaban-lahaa iyo balan-qaadkii iyo qodobadii Xisbiga kulmiye uu faani jirey xiligii ololaha doorashada Ex-Madaxweyne Axmed Siilaanyo, taasi oo iyadana aan xusi karno inuu Madaxweynihii hore shaqooyinkaasi u qabsoomay oo dhan , uu u cugtay koox adag oo shaqooyinkaasi uu markaasi igmaday inay iyagu ka shaqeeyaan. Taasina waxa kaloo ay keentay weliba arimo badan Horumar ahi inay ka soo baxaan, sida in degaan kasta oo iyagu 5km iskood dhista, inay xukuumadii Mudane Axmed Siilaanyo ugu darto 5km oo kale oo abaal marin ahayd , taasi waxay keentay inay wadanka ay ka dhismaan wadooyin badan oo shacabku ay ku tartameen sida wadooyinka Bali-gubadle , Salaxley, Dowga cad iyo qaar kale.

Hadaba Madaxweyne Muuse Biixi waxaa u dhamaaday iminka sanadkisii Kowaad , taasi oo aan weli laga dareemin wax-qabad muuqda ama la taaban-karo, marka laga reebo jidka dheeraa ee wadada ceerigaabo oo dhameystirkiisa, Ay xukuumadiisu si wanaagsan u sii wado iyo dhiiringelinta wax-saar badan oo dhinaca beeraha oo wadanka laga hirgeliyey, dalag badana sanadkani laga rajeynaayo. laakiin Madaxweynaha safarkiisa ugu horeeyey ee uu ku tegay iminka Gobolada Bariga, mudo sanad ah, gaar ahaana Gobolka Togdheer, Ayaa la sheegay inuu halkaasi xadhiga ka jari-doono Jeel weyn oo xukuumaddii mudane Axmed Siilaanyo iyadu hore uga bilowday Magaalo Madaxda Gobolka Togdheer ee Burco laakiin xukuumada Muuse Biixi dhameystirkeeda Ay leedahay.

Si kasta oo ay tahay Madaxweyne Muuse waxaa uu ogaaday mudadii uu joogay waxqabad la.aanta xukuumadiisa iyo tayada golihiisa wasiirada, taasi laga filaayo madaama inbadan la hadal-hayey isku-shaandheyn balaadhan inuu ku sameeyo xubnaha golihiisa isla.markaana uu xisaabiyo iyo inuu ku abaal-mariyo shaqadii tijaabada ahayd ee qaranka ay u qabteen ama intooda badab ay gabeen.

Adan Yusuf Elmi