Trump oo sheegay in CIA-da Mareykanku marnba eedeyn Amiir Dhaxal-sigaha Sacuudiga

0
Friday November 23, 2018 - 09:32:52 in by salman abdi
  • Visits: 510
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump oo sheegay in CIA-da Mareykanku marnba eedeyn Amiir Dhaxal-sigaha Sacuudiga

    Trump oo sheegay in CIA-da Mareykanku marnba eedeyn Amiir Dhaxal-sigaha Sacuudiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Trump oo sheegay in CIA-da Mareykanku marnba eedeyn Amiir Dhaxal-sigaha Sacuudiga

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa waxa uu sheegay in CIA-du aanay ku eedayn Amiirka dhaxalsugaha ah ee Sucuudiga Maxamed bin Salmaan inuu amray dilka weriye Jamaal Khaashuqji.

Khaashuqji ayaa waxaa qunsuliyadda uu Sucuudiga ku leeyahay Istanbul lagu dilay 2-dii bishii Oktoobar.

Saraakiisha Mareykanka ayaa waxa ay warbaahinta dalkaasi u sheegeen in howlgalka noocaas ah la fuliyo uu u baahnaa in amiirku uu ansixiyo.

"War kama dambays ah maysan soo saarin," Mr Trump ayaa yiri mar ay weriyayaashu wax ka waydiiyeen qiimeynta CIA-da.

"Si gaar ah ayey wax u dareemayaan. Warbixinta waan hayaa, wax dhameystiranna maysan soo saarin, ma garan karo haddii qof un ay suuroobayso inuu soo helo in amiirka dhaxalsugaha ah uu sameeyay arrinta," ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa dilka kaddib waxa uu ku celceliyay muhiimadda Sucuudi Carabiya ay u leedahay Mareykanka.

Bilowgii todobaadkan, Mr Trump ayaa waxa uu shaaciyay bayaan uu ku tilmaamayo in Amiirka dhaxalsugaha ah "ay suuragal tahay inuu si wanaagsan" u ogaa dilka Khaashuqji.

Bayaanka uu Mr Trump ayuu ku sheegay: "Waxaa suuragal ah inuu Amiirka dhaxalsugaha ah uu wax ka ogaa dhacdadaas musiibada aheyd - waa suuragal inuu ogaa iyo inuusanba ogeyn!"

17-kii Nofeembar, Xoghayaha Saxaafadda ee Aqalka Cad Sarah Sanders ayaa waxa ay weriyayaasha u sheegtay in Mr Trump uu kalsooni ku qabo in CIA-da kaddib markii uu wadahallo ku aaddan dilkii Jamaal Khaashuqji uu la yeeshay Agaasimaha hay'addaasi Gina Haspel iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mike Pompeo.

Ilo wareedyo ka tirsan warbaahinta Mareykanka ayaa xilligaa waxa ay sheegeen in aanan la hayn wax caddeyn ah oo amiirka dhaxalsugaha ah ku xiriirinaya inuu bixiyay amarka dilka, hasayeeshee saraakiisha ayaa rumaysan in fulinta dilkaasi loo baahnaa ogolaanshihiisa.

Sacuudi Carabiya ayaa waxa eedayntaasi ugu yeertay mid aanan waxba ka jirin, waxa ayna ku adkaysatay in amiirka dhaxalsugaha ah uusan waxba ka ogeyn qorshaha lagu dilay Jamaal Khaashuqji.