Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro Oo Safar Muddo Qaatay Kadib Dalka Ku Soo Laabtay.
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro Oo Safar Muddo Qaatay Kadib Dalka Ku Soo Laabtay.
Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ayaa dalka dib ugu soo laabtey kana soo degay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa.
Guddoomiyaha ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey safaro ugu maqnaa Waddamada Yurub gaar ahaan dalalka Ingiriiska ,Faransiiska iyo Finland.
Garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa waxa ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Xisbiga Waddani Xil Cabdiqaadir Xaji Ismaciil Jirde iyo Xoghayeku xigeenka xisbigaasi Jamaal Jaamac Xaamud .
Soo laabashada Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ayaa ku soo beegmaysa xilli uu safar Ugu baxay Gobolada Bari Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro Oo Safar Muddo Qaatay Kadib Dalka Ku Soo Laabtay.
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro Oo Safar Muddo Qaatay Kadib Dalka Ku Soo Laabtay.