Jigjiga:-Rabshado Ka Dhacay Magaalada Jigjiga, Khasaaraha Ka Dhashay Iyo Xaalada Ka Taagan

0
Sunday November 25, 2018 - 15:52:29 in by salman abdi
  • Visits: 414
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jigjiga:-Rabshado Ka Dhacay Magaalada Jigjiga, Khasaaraha Ka Dhashay Iyo Xaalada Ka Taagan

    Magaalada Jigjiga ee dawlada deegaanka soomaalida Itoobiya ayaa waxa dhacay rabshado sababay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Jigjiga ee dawlada deegaanka soomaalida Itoobiya ayaa waxa dhacay rabshado sababay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Rabshadahan ayaa Ka dhashay ka dib markii la xidhay sarkaal ka tirsan ciidamada liyuu booliska oo ay is af dhaafeen askari ka hooseeyey.

Dhalinyaro gadoodsan ayaa rabshado ka sameeyey xadhiga loo gaystay sarkaalkan iyaga oo burbur u gaystay taalada Sayid Maxamed Cabdile Xasan ee ku taala magaalada Jigjiga, iyada oo ciidama amaankuna ay ku guulaysteen inay kala dareeriyaan dhalinyaradan rabshadaha samaysay.

Inta la xaqiijiyey rabshadahan ka dhacay magaalada Jigjiga ayaa waxa ku dhintay hal qof halka ay sadex kalana ku dhaawacmeen.


Xaalada magaalada Jigjiga ee dawlad deegaanka soomaalida ayaa haatan ah mid degan ka dib rabshadihii kala bilaabmay xalay fiidkii hore, waxaanay wararku sheegayaan in wali magaalada laga dareemayo dhaq dhaqaaqyo lagaga soo horjeedo xadhiga loo gaystay sarkaalka ka tirsan ciidamada Liyuu booliska ee jigjiga lagu xidhay.