Deg Deg Ah:-Qarax goor dhaw ka dhacay xaafadda Kaawo Godey ee magaalada Muqdisho+Khsaraha Ka Dhashay.

0
Monday November 26, 2018 - 15:38:31 in by salman abdi
  • Visits: 574
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deg Deg Ah:-Qarax goor dhaw ka dhacay xaafadda Kaawo Godey ee magaalada Muqdisho+Khsaraha Ka Dhashay.

    Deg Deg Ah:-Qarax goor dhaw ka dhacay xaafadda Kaawo Godey ee magaalada Muqdisho+Khsaraha Ka Dhashay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Deg Deg Ah:-Qarax goor dhaw ka dhacay xaafadda Kaawo Godey ee magaalada Muqdisho+Khsaraha Ka Dhashay.

Qaraxan oo ahaa mid loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay xaafadda Kaawo Godey degmaada Wadajir ee magaalada Muqdisho

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay goob Suuq Qaadka lagu iibiyo ah, islamarkaana laga raro gaadiidka oo ay xiligaa ku sunaayeen dadweyne aad u faro badan.

 

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in gaari wadada la dhigay uu qarxay abaarihii duhurkii, waxaana laga cabsi qabaa in khasaare kala duwan uu dhaliyay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in gaadiidka gurmadka degdega ay goobta gaareen, sidoo kale waxaa goobta qaraxa ka dhacay tagay ciidamo ka tirsan kuwa Amniga.

Si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay qaraxa oo ahaa mid si xooggan looga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa imanaya xili magaalada Gaalkacyo subaxnimadii hore ee saakay ay ka dhaceen Qaraxyo culus oo ay ku dhinteen dad ka badan 20 ruux.