Deg Deg:-Wafdi ka socda Golaha Amniga midowga Africa oo magaalada Beledweyne gaaray+U Jeedka Safarkoda.

0
Wednesday November 28, 2018 - 08:08:00 in by salman abdi
  • Visits: 331
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deg Deg:-Wafdi ka socda Golaha Amniga midowga Africa oo magaalada Beledweyne gaaray+U Jeedka Safarkoda.

    Deg Deg:-Wafdi ka socda Golaha Amniga midowga Africa oo magaalada Beledweyne gaaray+U Jeedka Safarkoda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Deg Deg:-Wafdi ka socda Golaha Amniga midowga Africa oo magaalada Beledweyne gaaray+U Jeedka Safarkoda.

Wafdi ka socda Midowga Africa oo uu horkacayay Gudoomiyaha golaha siyaasada iyo amaanka midowga africa maxamad idiris faarax ahna safiirka dowlada Jabuuti ee Itoobiya ayaa maanta soo gaaray magalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan

Wafdiga waxaa magaalada Beledweyne ku soo dhaweeyay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamad Cabdi Waare gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagara Daba-Geed, saraakiisha ciidamada qalabka sida kuwa AMISOM iyo qeybaha kala duwan ee bulshada baladweyne.

 

Wafdiga ayaa ayaa kulamo la qaatay saraakiisha ciidamada AMISOM iyo kuwa soomaaliya madaxweynaha maamulka Hirshabeelle iyo qeybo ka mida ururarada Bulshada rayidka ah.

Markii uu soo dhamaaday kulanka kaddib waxaa warbaahinta la hadlay Maxamed Idiris guddoomiyaha Golaha Amaanka iyo Siyaasada Midowga Africaa ahna safiirka dowlada Jabuuti u qaabilsan Itoobiya, isaga oo sheegay in ay cabashada uu madaxweynaha Hirshabeelle u gudbiyay Midowga Africa ay wax ka qaban doonaan ciidamada AMISOM ayuu sheegay in Hirshabeelle kala shqeyn doonaan furitaanka wadooyinka ay kala xireen al shabaab.

Sidoo kale Wakiilka Midowga Africa Soomaaliya Francisco Madeira oo kulanka ka hadlay ayaa dhankiisa u mahad celiyay madaxda maamulka Hirshabeelle sida ay u soo dhaweeyeen

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa u mahad celiyay wafdiga Midowga Africa ee maanta soo gaaray Beledweyne.

Maalmaha soo socda ayaa sidoo kale la filayaa in ay magaalada soo gaaraan wafdi ka socda dowladda federaalka gaar ahaan mas’uuliyiinta ugu sareysa oo dhagax-dhiggi doona mashaariic dhowr ah.