Hargaysa:-Hay'adda Qurbajoogga Oo Kulan Wadatashi Ah U Qabatay Xubno Ka Mid Ah Ganacsatada Qurbajoogga Ah Ee Maalgashaday Dalka JSL

0
Wednesday November 28, 2018 - 12:50:22 in by salman abdi
  • Visits: 524
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:-Hay'adda Qurbajoogga Oo Kulan Wadatashi Ah U Qabatay Xubno Ka Mid Ah Ganacsatada Qurbajoogga Ah Ee Maalgashaday Dalka JSL

    Hay'adda Qurbajoogga Oo Kulan Wadatashi Ah U Qabatay Xubno Ka Mid Ah Ganacsatada Qurbajoogga Ah Ee Maalgashaday Dalka JSL

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adda Qurbajoogga Oo Kulan Wadatashi Ah U Qabatay Xubno Ka Mid Ah Ganacsatada Qurbajoogga Ah Ee Maalgashaday Dalka JSL
Hay’adda Qurbajoogga Somaliland ee Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamigaah JSL ayaa maanta Arbaca November 27, 2018 ugu qabatay qaarka mid ah ganacsatadaqurbajoogga ah ee dalka maalgashaday iyo xirfadleyaal kala duwan oo qurbaha ka soo noqdaykulan wadatashi Hudheelka Adams INN ee magaalada Hargeysa.Ujeedada kulankaas ayaa qayb ka ahayd ka talo-gelinta qurbajoogga qorshayaashaistaraatiijiyadeed ee gaar ahaan dhinaca maalgashiga iyo isku xidhka bulshada maalgashayaashaqurbajoogga ah taasoo waafaqsan Qorshaha Horumarineed ee Qaranka JSL, sidoo kale xubnahasida rasmiga ah ugu soo noqday dalka ee jaalliyadaha wadamada kala duwan ka soo noqdaytaasoo waafa"Ujeedada shirkan aan isugu kiin yeedhnay waxa ay daarantahay labada ujeeddo uun oo kalaah, inaan ka wadatashanno sidii aan u samayn lahayn fooramka ganacsatada qurbajoogga"Somaliland Business Forum” iyo ururo (Associatons) aan u samaynno xubnaha jaalliyadahawadan kasta si ay u fududaato helitaanka iyo ururinta xogtooda iyo isuduwidda hawlaha laxidhiidha ee Hay’adda u xilsaarantahay,” Cabdi Cabdullaahi Xirsi (Dayaxweerar), GuddoomiyahaHay’adda Qurbajoogga JSL.

 

Waxa ka hadlay shirka xubno badan oo ka mid ah qurbajoogga maalgashaday ganacsiyada kaladuwan ay ka mid yihiin hudheellada iyo dalxiiska, tamarta, warshadaha, waxsoosaarka,adeegyada kala duwan iwm kuwaasoo dhammaantood soo dhaweeyay aas’aaska "SomalilandDiaspora Business Forum,” xoojinta isku xidhnaanshaha, kala faaiidaysiga iyo iskaashigadhexdooda si heer wadan ah iyo si guudba, sidoo kalena soo bandhigay ganacsiyada aymaalgashadeen iyo caqabadaha kala duwan ee ay kala kulmaan dhinacyada adeeg bixintahay’adaha dawladda, nidaamka cashuuraha, cududa shaqaale, baananka, daynsiga iyo deeqaha
maalgashi, shuruucda dalka, iyo qodobo kaleba.

Fanaaniinta qaranka ayaa iyaguna madasha ku soo bandhigay bandhig faneed ay ka sooqaybgalayaashu aad ugu bogeen oo saabsanaa aafada qabyaaladda, uguna baaqayayqurbajoogga Somaliland inay ka fogaadaan qabyaaladda iyo waxkasta oo dhaawacayawadajirkooda, isla markaana laba jibbaaraan kaalint waxqabad ee ay dalka ugu jiraandhinacyada maalgashiga, horumarka dhaqaale, shaqo abuurka, cilmiga iyo dadaalka ictiraafraadinta qadiyadda madaxbanaanida Somaliland.
Gebogebadii kulanka, waxa lagu doortay xubno guddi hawleed ah (Task force) oo kala shaqayndoonaa Hay’adda Qurbajoogga aas’aaska Madasha Ganacsatada Qurbajoogga Somaliland(Establishment of Somaliland Diaspora Business Forum) taasoo noqon doonta madal lagagahadlo arrimaha khuseeya maalgashiga iyo doorka qurbajoogga, yeelanaysana kulamo seddex

biloodle ah (Quarterly Meetings), iyo bandhig sannadeed ballaadhan (Annual Diaspora BusinessExhibition) laga bilaabo 2019. Waxa kale oo la xilsaaray xubno metelayay jaalliyadaha wadamokala duwan oo qurbajoog badani ka soo noqdeen kuwaasoo iyaguna ka qaybqaadan doona
qorshe hawleedada Hay’adda ee xagga isku xidhka (Diaspora Network Systems).Dhinaca kale, Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga JSL ayaa hambalyo u diray MadaxweynahaJSL Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo safarka shaqo ee uu ku marayo gobollada kala duwan eebariga Somaliland isagoo tilmaamay booqashadaas Madaxweynaha ee gobollada iyodegmooyinka dalku ay waxtar iyo faaiido weyn u leedahay qaranka dhinacyada nabadgelyada,siyaasadda iyo horumarkaba. "Waxa aan ku hambalyaynayaa Madaxweynaha JSL MudaneMuuse Biixi Cabdi safarka uu ku soo wada maray gobollada dalka, isagoo markii horenagobollada galbeed booqday, immikana gobollada bari booqanaya. Waa guul usoo hoyatayqaranka oo waxweyn ka taraysa nabadgelyada iyo difaaca dalka, in Madaxweynuhu booqdogobollada, ogaado xaaladahooda, oo dadkiisa wada dhagaysto,: Guddoomiyaha QurbajooggaSomaliland.

Source: Somaliland Diaspora Agency
Tuesday, Nov 27, 2018, Hargeisa, Republic of Somaliland