Hargaysa:-Xukuumada Somaliland Oo Xabsiga Dhigtay 10 Kamida Shaqaalaha Wasaarada Gaadiidka Iyo Wadooyinka

0
Thursday November 29, 2018 - 11:53:56 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:-Xukuumada Somaliland Oo Xabsiga Dhigtay 10 Kamida Shaqaalaha Wasaarada Gaadiidka Iyo Wadooyinka

    Xukuumada Somaliland Oo Xabsiga Dhigtay 10 Kamida Shaqaalaha Wasaarada Gaadiidka Iyo Wadooyinka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Somaliland Oo Xabsiga Dhigtay 10 Kamida Shaqaalaha Wasaarada Gaadiidka Iyo Wadooyinka

Xukuumada somaliland ayaa xabsiga ku gurtay darawaliin dhalinyaro ah oo gaadhaya toban qof kuwaas oo ka hor yimid wareegto uu wasiirka gaadiidku amaro culus ku dul dhigay baabuurta loo yaqaano Vitz(Taxi).

Darawaladan ayaa la qabtay 16/11/2018 kuwaas oo haatan xabsiga ku jira mudo 12 cisho ah.

Darawaladan muwaadiniinta ah ayey wararku sheegeen in wakhtigii la qabanayey ay ciidamada amaanku u gaysteen jidh dil, halka qaar kalana la jajabiyey baabuurtii ay lahaayeen.

Wararka ayaa xaqiijiyey in ciidamada amaanku ay darawaladan dhalinyarada ah ka qabteen buurta kala jeexan ee magaalada Hargeysa, kuwaas oo doonayey inay warbaahinta u soo bandhigaan cabashadooda ku saabsan wareegtada ka soo baxday wasiirka gaadiidka iyo horu marinta jidadka, balse

 


ay ciidamada amaanku ugu tageen goobtaasi isla markaana ay soo xidheen intii ay qabteen.

 

 

Halkan Hoose Ka Akhriso Wareegtadii Wasiirka Ee Amarka Ahayd.

Mudada ay xidhan yihhiin dhalinyaradan ayaa maxkamada la horkeenay sadex jeer kuwaas oo sadexdii jeerba lagu celiyey xadhig rumaan ah oo loo jaray.

Qareenada kala ah Mubaarig Cabdi Ismaaciil, Jamaal Xuseen Axmed iyo Cabdirisaaq Ismaaciil Xasan ayaa si mutadawacnimo ah ugu doodaya dhalinyaradan la xidhay.

Sidoo kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in xukuumadu ay xabsiga ku hubsatay shan kale oo dhalinyaro ah kuwaas oo iyagana loo haysto inay ka soo horjeedaan wareegtada ka soo baxday wasiirka gaadiidka iyo horu marinta jidadka.

Halkan Hoose Ka Akhriso Qareenada u doodaya dhalinyaradan xidhan iyo ogolaanshaha la siiyey.


Dhinaca kale xukuumadu ilaa hada faah faahin kamay bixin xadhiga loo gaystay dhalinyarada, waxaana laga dhursugayaa waxyaabaha ay ku macnayso.