Garoowe:-"Golaha Iskaashiga Dowlad gobolleedyada waqtigoodii wuu sii dhamaanayaa"CabdiXakiin Xaaji Camey

0
Thursday November 29, 2018 - 18:31:43 in by salman abdi
  • Visits: 606
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garoowe:-"Golaha Iskaashiga Dowlad gobolleedyada waqtigoodii wuu sii dhamaanayaa"CabdiXakiin Xaaji Camey

    Garoowe:-"Golaha Iskaashiga Dowlad gobolleedyada waqtigoodii wuu sii dhamaanayaa"CabdiXakiin Xaaji Camey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garoowe:-"Golaha Iskaashiga Dowlad gobolleedyada waqtigoodii wuu sii dhamaanayaa"CabdiXakiin Xaaji Camey

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Gobolleedka Puntland CabdiXakiin Xaaji Camey ayaa sheegay in waqtigggii Golaha Iskaashiga Dowlad gobolleedyada uu sii dhamaanayo, isaga oo intaa ku daray in is-badal weyn uu ka jiro maamul gobolleedyada qaarkood oo doorasho isku diyaarinaya.

 

 

‘’Golaha Iskaashiga Dowlad gobolleedyada hadda wuu sii baaba’ayaa maxaa yeelay, Waare waad ogtihiin wuu isaga baxay, sidoo kale Shariif-kii meesha waa tagay, inta soo hartay-na hadda doorashooyin ayaa-ba ku soo fool leh sidaa daraadeed Gole weyn oo Iskaashi ma jiro’’ ayuu yiri madaxweyn e ku-xigeenka dowlad gobolleedka Puntland.

 

Camey ayaa soo dhaweeyay isbadalka siyaasadeed ee ka jirta dalalka Geeska Africa ee lagu dhisayo nabada iyo hormarka dalalka ay Soomaaliya ka mid tahay , waxaana uu ku eedeeyay Dowlad gobolleedyada in ay arintaa ka soo horjeedaan iyo in Soomaaliya mid noqoto sida uu hadalka u dhiggay.

Inkastoo sida uu sheegay madaxweyne ku-xigeenka Puntland ay meesha ka baxeen madaxweynayaasha Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, haddana wali Goluhu waa mid shaqeeya oo waxaa guddoomiye ka ah madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo shalay soo saaray war-murtiyeed lagu taageerayo go’aankii Aqalka sare ee soo afjarida khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad gobolleedyada.