Caqabadaha ka horyimid madaxweyne muuse safarkiisa ee ku saabsan 4 degma doorasho ka tirsan gobolada bariga Somaliland

0
Friday November 30, 2018 - 14:09:51 in by salman abdi
  • Visits: 966
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caqabadaha ka horyimid madaxweyne muuse safarkiisa ee ku saabsan 4 degma doorasho ka tirsan gobolada bariga Somaliland

    Caqabadaha ka horyimid madaxweyne muuse safarkiisa ee ku saabsan 4 degma doorasho ka tirsan gobolada bariga Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caqabadaha ka horyimid madaxweyne muuse safarkiisa ee ku saabsan 4 degma doorasho ka tirsan gobolada bariga Somaliland
Bulshada sida dhaw ula socotay madaxweyne muuse socdaalkiisa waxay is waydiinayaan caqabadaha ka horyimid madaxweynaha ee u diiday inuu tago 4 degmo doorasho ka tirsan gobolada bariga Somaliland. Ka madaxweyne mustaqbal ahaan waxaan daawaday xildhibaan ka tirsan barlamaanka Somaliland oo leh madaxweyne muuse bulshada ku dhaqan degmooyinka taleex, badhan, dhahar, laasqoray inuu gaadho oo uu baahiyaha asaasiga ah ee ay u baahan yihin kala hadlo uguma uusan tala galin, Waxaynu ogsoonayn xaalada ka taagan geeska Africa iyo doorashada ka jirta maamul goboleedka puntland, Sida bulshada inteeda badani ay la socdaan maamul goboleedka puntland wuxuu si toos ah ugu xad gudbay dalka Somaliland degmooyinkiisa qaar kamid ah oo uu ka samaystay xarumo dowladeed, balse dowlada Somaliland indhaha way ka laabatay inay wax ka qabato dhulkeeda lagu soo xadgudbay. Dulucda hadalkaygu wuxuu yahay caqabadaha ugu wayn ee madaxweyne muuse ka horyimid inay tahay bulshada degaankasi xukuumadan cusub xuquuqdii ay ku lahayeen kamaysan helin, madaxweyne muuse siyaasiyiin umatasha degmooyinkasi qorshihiisa siyaasadeed ma qabto sida aynu ka dhex aragno magacaabistiisa. Waxaynu la soconaa boqorka darood oo ugu baaqay cabdi weli gaas inuu degmada taleex usoo magacaabo gobol cusub, boqorkas oo dhowr cisho ka hor ku sugnaa degmada laascanood ee gobolka sool, isagoona la kulmay madaxdhaqameedka gobolkaasi, Waxayna kawada hadleen arima badan oo horseedi kara cabsi nabad galya daro. Boqorka markuu yimid gobolka sool magala madaxdiisa lascanood mas’uuliyinti ka hor tagtay waxaa kamid ahaa wasiirka arimaha gudaha Somaliland oo aan si wacan u fahmin boqorka ula jeedada uu usocday. Bulshadana waxay aragtaa habac sanaan siyaasadeed oo wali ka dhex taagan siyaasada madaxweyne muuse. Guntii iyo gunaanadka ka madaxweyne mustaqbal ahaan waxaan madaxweyne muuse ugu baaqayaa inuu ka yeesho dhowrka degmo doorasho siyaasad cad, tasoo muujinaysa kasbasho bulsho, siyaasiyin matali karana uga qayb galiyo magacaabisaha soo socda. Bulshada Somaliland uu ka shaqeeyo isku duubnaantooda. tag