Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Annaga ayaa dalbanay ciidamada la keenay Baydhabo

0
Saturday December 01, 2018 - 09:06:26 in by salman abdi
  • Visits: 434
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Annaga ayaa dalbanay ciidamada la keenay Baydhabo

    Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Annaga ayaa dalbanay ciidamada la keenay Baydhabo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Annaga ayaa dalbanay ciidamada la keenay Baydhabo

Kaddib Khilaaf ka dhashay ciidammo maalintii shalay dowladda federaalka Soomaaliya ay u dirtay magaalada Baydhabo ayaa dhinaca kale marka la eego mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed waxaa ay warbaahinta u sheegeen in ciidamadaasi yihiin kuwo ay iyagu codsadeen si ay uga qeybqaataan sugida Amniga.

 

Wasiirka Amniga maamulka Koonfur Galbeed Xassan Xusseen Eelaay oo la hadlay Warbaahinta VOA ayaa sheegay in ciidamadan yihiin kuwo ka qeybqaadanaya sugida Amniga doorashada, madaama ayuu yiri Al-shabaab isku dayayaan in ay carqaladeeyaan deegaannadan.

‘’Waan ogtihiin kooxaha cadowga waxaa ay xoojiyeen weerarraddoodii shalay ayaa ugu danbeysay waxaa ay weerar ku soo qaadeen deegaanka KoofGuduud, sidaa daraadeed ciidamadan Annaga ayaa ka dalbanaya dowladda waxaa ay ka qeybqaadan doonaan dagaalka lagula jiro Al-shabaab’’ ayuu yiri Wasiirka,.

Mar uu soo hadal qaaday jawaabtii uu guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliyeed Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ka bixiyay ciidamada la geeyay magaalada Baydhabo ayuu yiri’’ Dabcan Annaga dowlad ayaan weydiisanay ciidamada, guddoomiye Mursal –na dowladda ayuu ka tirsan yahay, sidaa daraadeed haddii ay mas’uuliyiinta dowladda wax kale ka dhaxeeyaan waa in ay iyagu is raad-sadaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal oo aragtidiisa ciidamada ka hadlay ayaa sheegay in tallaabo qalad uu u arkayo ciidamadii horay u joogay Baydhabo kuwo kale lagu sii kordhiyo, taasoo keeni karta ayuu yiri carqalad iyo qalqal ku imaan kara doorashada.

Dowladda federaalka Soomaaliya gaar ahaan Wasaarradda Amniga Gudaha wali kama aysan hadal ciidamadan la geeyay Baydhabo.