Hargaysa:-Jaamacad Maraykanka Ah Oo Bilowday Dood Rejo Ka Muujisay In Shiidaal Laga Soo Saaro Somaliland

0
Saturday December 01, 2018 - 15:59:20 in by salman abdi
  • Visits: 358
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:-Jaamacad Maraykanka Ah Oo Bilowday Dood Rejo Ka Muujisay In Shiidaal Laga Soo Saaro Somaliland

    Jaamacad Maraykanka Ah Oo Bilowday Dood Rejo Ka Muujisay In Shiidaal Laga Soo Saaro Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jaamacad Maraykanka Ah Oo Bilowday Dood Rejo Ka Muujisay In Shiidaal Laga Soo Saaro Somaliland

Jaamacadda Indiana University ee waddanka Maraykanka ayaa wada dood la xidhiidha in la gaadhay wakhtigii shiidaalka Somaliland la soo saari lahaa oo dalku ka faa’iidaysan lahaa dhaqaalaha ka soo baxaiibka shiidaalka.

 

Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigataywarbixin uu shalay diyaariyeykhabiirMr SCOTT PEGG oo ka tirsan jaamacaddaIndiana University oo saadaal wanaagsan ka muujiyey in shiidaal laga soo saaro Somaliland sannadka 2019ka, warkaasina wuxuu u qornaa sidan:-

 

"Sannadihii u danbeeyey waxa Somaliland ka socday sahan dhinaca shiidaal soo saarista ah ooShirkado kala duwanika sahminayeen Somaliland, waxaana la baadhaydhulkaiyo deegaannadaxeebta ku teedsan, waxaanarejo weyn laga qabaa bilowga sannadka 2019kain la bilaabo wax-soo-saarkii siday hore u shaacisay Shirkadda Genel Energy.

 

Wakhtigan waxa laga hadlayaa haddii la soo saaro dhib iyo dheef waxa uu u yeellan karo Somaliland. Dood ay samaysay Jaamacada Indiana University ee waddanka Maraykanka waxay is weydiinaysaa in la gaadhaywakhtigii la soo saari lahaashiidaalka Somalilandiyo in kale?.

 

KhabiirSCOTT PEGGoosiyaasadda dhaqaalaha u qaabilsan JaamacaddaIndiana University,ayaa xusay in iibka shiidaalku uukordhin doono dhaqaalaha Somaliland ee xaddidan.

Warbixin uu diyaariyey wuxuu ku soo bandhigay in Somaliland nabadgelyo ku naaloonaysay labaatankii sanno ee ugu dambeeyey, isla markaana madaxweynihii shanaad oo ku yimid doorasho dimuqraadi ah oo uu xilka kula wareegay, waxaanuaaminsan yahay in Somalilandlooga baahan yahay inay u sii weel-tolato iibka shiidaalkeeda.

 

Waraysiyo laga qaaday dad siyaasiyiin ah waxay soo jeediyeen in lagafaa’iidaytowaddamada Afrika ee ku guulaystay maarayntadakhliga Saliida.

 

Baadhitaanka Shidaalka waxaSomaliland laga daahfuraysannadkii 1912kii, hase ahaatee xilliganwaxa bilowdaysannadkii 2012kiishiidaal baadhistashirkaddaGenel Energy, waxaa lagu wadaa haddii hindisaha shiidaal qodista lagu guulaysto in Somaliland laga soo saari doono in ka badan laba bilyan oo foosto sannadkii.