Khilaaf Mar Kale Ka Curtay Wasaarada Warfaafinta Xilli Uu Safar Dibadeed Ku Maqan Yahay+Halka Uu Salka Hayo Khilaafku.

0
Sunday December 02, 2018 - 08:19:06 in by salman abdi
  • Visits: 522
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaaf Mar Kale Ka Curtay Wasaarada Warfaafinta Xilli Uu Safar Dibadeed Ku Maqan Yahay+Halka Uu Salka Hayo Khilaafku.

    Khilaaf Mar Kale Ka Curtay Wasaarada Warfaafinta Xilli Uu Safar Dibadeed Ku Maqan Yahay+Halka Uu Salka Hayo Khilaafku.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khilaaf Mar Kale Ka Curtay Wasaarada Warfaafinta Xilli Uu Safar Dibadeed Ku Maqan Yahay+Halka Uu Salka Hayo Khilaafku.

Agaasimihii Guud Ee Cusbaa Mr.Cismaan Ee Wasaarada Warfaafinta Iyo Agaasime Waaxeedkii Maamulka Iyo Lacagta Xasan Muxumed Ayaa La Sheegay Inay Madaxa Iskula Jireen Maalmihii U Danbeeyay Todobaadkani..

Sida Laga Soo Xigtay Xubno Ka Mid Ah Shaqaalaha Warfaafinta Isku Dhaca Labadan Xubnood Ayaa La Sheegay In Ay Gundhig U Tahay Awoodda Maamul Ee Wasaarada,Iyo Saxeexa Kharashaadka,Xilli Ay Wasiirkii Iyo Wasiir Ku Xigeenkiiba 20kii Casho Ee U Danbeeyay Ku Kala Maqan YihiinWadanka Canada Iyo Laascaanood..Isla Markaana Ilaa Imika Aan La Haynin Cid Kala Saarta Labadaasi Masuul..

Sida Laga War Qabo Masuuliyada Guud Ee Wasarada Waxa Iska Leh Sharci Ahaan Agaasimaha Guud Oo Ku Yimiday Xilka Dikreeto Madaxweyne.

Hase Yeeshee Agasimaha Maamulka Lacagta Ayaa La Sheegay In Isaga Laftiisana Kolkii Uu Wasiirku U Baxayay Dalka KANADA Oo Uu U Tegay Arimo Caafimaad, Inuu Kula Sii Dardaarmay Inta Uu Kasoo Noqonayo Socdaalka Inuu Masuuliyada Hawlaha Wasaaradda Isaga Ku Og Yahay...Cid Kale Oo Uu Ka Amar Qaadanayaana Jirin...

Agaasimahan Guud Cismaan Ayaa Noqonaya Kii Sadexaad Ee Khilaafaad Dhex Maro Agasimaha Waaxda Maamulka Oo 11 Sano Xafiiskaasi Joogay...

Agaasimihii Guud Ee Hore Cali Caliyoow Ayaa Hore Uga Tegay Wasaarada Kadib Markii Uu Sidani Oo Kale Madax Bannaani U Waayay Gudashada Waajibaadkiisii Shaqo,Taasi Oo Ka Socon Waydey Dhinaca Agaasime Waaxeedka Lacagta Oo Dhibaato Culus Ku Haya Shaqada Shaqaalaha Iyo Nidaamka Maamul Ee Wasaarada.

Si Kastaba Ha Ahaatee Khilaafka Kasoo Cusboonaday Wakhti Xaadirkan Xarrunta Wasaarada Warfaafinta Ayaa Noqonaya Mid Sii Dul Buuxiya,Murankii Iyo Isku Dhacyadii Soo Jiitamayay Sanadaha Badan Kaasi Oo Ka Dhigay Hawlihii Wasaaradaasi Kuwo Fashilma,Shaqaaluhuna Awood U Waayaan Habsami U Gudashada Adeegii Qaran Ee Ay Bulshada U Hayeen,Jillaafada,Khilaafka Iyo Wax Kala Jiidashada Madaxda Wasaaraddaasi Awgeed.Taasi Oo Xataa La Odhan Karo,Waxay Gaadhay Heer Shaqaalihii Kooxo U Qaybsamaan.

Waxaana La Gudboon Madaxweynaha In Maadaama Hay’addani Tahay Muraayadii Qaranka,Isla Markaana Hawllo Miisaankooga Leh U Hayso Dalka,Inuu Baadhis Qoto Dheer Ku Sameeyo Ilaha Musiibada Bariisatay Wasaaraddu Kasoo Maaxanayaan,Oo Dabcan Ku Arooraysa Dano Gaar Ahaaneed.

 



Halyey Cabdi Nuur


Hargeysa