Hargaysa:-Ex Wasiir Cali Mareexaan Oo Ficilada Madaxweynaha Soomaaliya Ku Xidhiidhiyey Kuwii Siyaad Bare Oo Kale

0
Sunday December 02, 2018 - 15:58:50 in by salman abdi
  • Visits: 509
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:-Ex Wasiir Cali Mareexaan Oo Ficilada Madaxweynaha Soomaaliya Ku Xidhiidhiyey Kuwii Siyaad Bare Oo Kale

    Ex Wasiir Cali Mareexaan Oo Ficilada Madaxweynaha Soomaaliya Ku Xidhiidhiyey Kuwii Siyaad Bare Oo Kale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ex Wasiir Cali Mareexaan Oo Ficilada Madaxweynaha Soomaaliya Ku Xidhiidhiyey Kuwii Siyaad Bare Oo Kale

Wasiirkii hore ee wasaarada hawlaha guud gadiidka iyo guryaynta Somaliland Ee Xukuumadii madaxwayne siilaanyo Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan)ayaa ka hadlay madaxwaynaha dawlada somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo sheegay si ay somaliya u hagaagto in ay xalka koobaad ka doonanayaa Dawlada Ethiopia.

Wasiirka oo qoraal uu ku faaqidayo Dawlada somaliya iyo hogaanadii soomaray oo uu soo dhiga barta uu Facebooga ku leeyahay ayaa u dhignayd sidan.


1997 afartan guuradii aasaaskii BBC laanta afka somaliga ayaa Cabdirqaadir Soobe (wuxuu ahaa siyaasiyiintii 60-kii ugu waawaynayd koonfurta) waxaa la waydiiyey ; hadii reer Somaliland dawlad dhan oo xor ah idiin la yimaadeen maxaa dawladii oo dhan u wada qaadateen? Wuxuu ku jawaabay " way qiiraysnaayeen oo na xukuma ayey yiraahdeen Annakuna waanu xukunay, see waaye"
Madaxwayne Farmaajo wuxuu sheegay in Somalia ay isku direen dawladaha jaarka ah oo ay burburiyeen Somalia. "Si ay somaliya u hagaagto waa in aan xalka Ka doonaa Ethiopia iyo Ertria". Rayigaasi waa rayi'gii kacaankii Siyaad Barre ee  uu qaatay xiligii danbe oo ahaa in Ethiopia looga tanaasulo wax fara badan si SNM looga adkaado. Taasi halkii ay ku danbaysay taariikhda ayaa loo dhaafayaa.

 

Kuwa inimka talada koonfurta loo dhiibay way Ka rayi' hooseeyaan qoladii lixdankii. Siyaasiyiintii lixdankii ee koonfurta waxaa midnimada Kala waynaa qaybsiga kuraasida ee gobolkii Majeerteeniya iyo qolyihii Xamar sii joogay. Waxay u arkayeen in qaldaankan dawladnimadda la yaacayaa ay ku cidhiidhi nayaan kuraasta iyo derejada ay hore u sii qaybsadeen.

Qoladan iminka way sii kala duwan yihiin oo Khayre isagu waa colmoog Somaliland wuxuu u haystaa meel yar oo fog oo aan iminka wakhti badan lagu lumin. Wuxuu weli ku ashqaraar san yahay protocol- Ka dawladnimada. Markuu u khudbadaynayo xaafadaha Xamar ee uu aftahanimada Iska baadhayo wuxuu yidhaahdaa waa taa ummaddii Soomaaliyeed inta uu gacanta ku fiiqo..

Farmaajo isagu taariikhda ayuu ku ciilqabaa. Wixii dulkii Somali Ka dhacay afartankii sano ee uu danbeeyey wuxuu aamiin San yahay in Siyaad Barre laga gardarnaa oo dawlado jaar ahi ay dad soo adeegsadeen oo dawlad sharafleh la burburiyey Siyaad na uu qaranimadda difaacayey.

Eedaa isagu cid ayuu u tirinayaa waana ta keentay in uu isaga oo aan cagaba ku taagnayn uu Somaliland dagaal ku qaado siyaasadiisa arimaha debedana uu uga dhigo mudnaanta koobaad.

Dhibka kale ee jiraa waxa weeye ummadda ku nool koonfurta Somalia weli kamaynaan maqal wax garawshiinyo ah. Aqoonyahan kooda, culimadooda, dhaqankooda iyo siyaasiyiintooba kana hayno in aynu lixdankii ahayn laba dawladood oo wax isku darsaday iminkana kala noqon Kara.

Hababa Dadka Somaliland oo sannad kasta ay ku hordhaan 5% oo iminka ah 4.7 million oo degan dhulka jeeska Africa ugu qiimaha badan waxa keliya ee aynu u baahanay waa isixtiraam, caddalad iyo waddaniyad. Ummadi waxay hantido waxaa ugu wayn Xornimo iyo qaranimo.

' Gobanimadu waa libin ku taxan

geedi nolodeed

Waa gumaro aadmigu hantiyo

Guusha ugu wayn

Gudoonkeedu waa faral

Siyaal loo gafaa jirin" Hadraawi.

Maxamed I. Cigaal AHN ayaa lagu yidhi Sawaaxilgii aad ayey u qurux bateen waanay lacagaysteen wuxuu yidhi " adeer waa dawladnimadda"

Markaa dhalinyarada Somaliland waxaan leeyahay ilaashada dawladnimada oo mustaqbalkiina khayrkiin kula tartama.

Qolada Xamar joogta ee midnimada Ka hadlaysana waxaynu ku leenahay annagu noqon mayno ninan geelooda caano looga soo liso. In geelayga caano layga soo liso gacantaada ku maal ayaa dhaanta.