Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

0
Tuesday December 04, 2018 - 13:37:11 in by salman abdi
  • Visits: 342
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

    Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imanaya deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab kaddib dagaal ay la galleen xoogag is abaabulay oo la magac-baxay Macwiisley.

 

 

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay degaanka Guullane oo hoostaga Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

 

Goobjoayaal ayaa sheegay inta la og yahay in dagaalkan ay ku nafwaayeen ilaa 8 ruux tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen, waxaana dadka dhintay intooda badan lagu sheegay in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab.

Xaalada deegaanka Guullane ayaa saakay degan, iyadoona cabsi ay ka jirto, taasi oo u dhexeysa Al-Shabaab iyo Kooxda La magac baxday Macwiisley.

Xoogagga Macwisleyda ayaa intooda badan ka howlgal deegaanno hoostaga gobollada Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan iyaga oo dhowr jeer oo hore dagaallo culus la galay Al-shabaab.