Deg Deg Ah:-Qarax lagu dhaawacay Wariye Ismaaciil Sheekh Khaliif oo ka dhacay Muqdisho.

0
Tuesday December 04, 2018 - 16:34:27 in by salman abdi
  • Visits: 508
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deg Deg Ah:-Qarax lagu dhaawacay Wariye Ismaaciil Sheekh Khaliif oo ka dhacay Muqdisho.

    Deg Deg Ah:-Qarax lagu dhaawacay Wariye Ismaaciil Sheekh Khaliif oo ka dhacay Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Deg Deg Ah:-Qarax lagu dhaawacay Wariye Ismaaciil Sheekh Khaliif oo ka dhacay Muqdisho.

Qarax gaarigiisa loogu soo xiray ayaa goor dhaw lagu dhaawacay wariye Ismaaciil Sheekh Khaliif oo ka mid ah mas'uuliyiita sar sare ee warbaahinta Star ee magaalada Muqdisho.

Qarax oo gaar ahaan ka dhacay degmada Waabari xaafadda March ayaa la sheegay in Wariyaha loogu xiray gaarigiisa waxaana uu dhaawac ka soo gaaray qeybo ka mid ah jirka.

 

 

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana halkaasi laga qaaday dhaawaca Wariyaha.

Magaalada Muqdisho waxaa siweyn ugu soo badanaya Qaraxyada loogu xiro gaadiidka dadka mas'uuliyiinta ah ee ka tirsan dowladda ama siyaabaha kale u shaqeysta, waxaana maalin ka hor sidan oo kale Qarax loogu xiray gaarigiisa lagu dilay Agaasime ka tirsanaa wasaarradda Boosatada iyo Isgaarsiinta xukuumadda Soomaaliya