Qaab Nooce Ah Ayaa Lagu Xusha Qofka La Doonayo Inuu Kamid Noqdo Golaha Wasiirada Somaliland

0
Wednesday December 05, 2018 - 09:09:33 in by salman abdi
  • Visits: 369
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaab Nooce Ah Ayaa Lagu Xusha Qofka La Doonayo Inuu Kamid Noqdo Golaha Wasiirada Somaliland

    Qaab Nooce Ah Ayaa Lagu Xusha Qofka La Doonayo Inuu Kamid Noqdo Golaha Wasiirada Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaab Nooce Ah Ayaa Lagu Xusha Qofka La Doonayo Inuu Kamid Noqdo Golaha Wasiirada Somaliland

Prof Cabdi Cali Jaamac ayaa soo bandhigay shuruudo uu sheegay in lagu xusho cida ka mid noqonaysa golaha wasiirada xukuumada madaxweyne Muuse Biixi.


Qodobada Lagu Xusho Golaha Wasiirada Inta Badan!!!Prof Cabdi Cali Jaamac oo qoraal arintaas ku saabsan ku baahiyey bogiisa Facebook ayaa waxa uu ku yidhi :-

Haddii hunguri kaa hayo wasiirnimada, bal iska eeg shuruudaha in aad buuxinayso!!!

1- Waa inuu noqdo labadan da'ood mid ka mid ah: + or - 40; ama + or -70.
2- Waa in aanu ku xidhnaan bulshada.

 

3-Waa in aanu ku xidhnaan reerkiisa.
4-Waa in aanu lahayn han ka sarreeya wasiir mustaqbalka.

5-Waa in aanu aqoon iyo waxaa laga dareemin, xataa hadduu aqoon leeyahay.

 

6-waa in aanu soo jeedin badan lahayn, dhiigiisuna qabaw yahay.
7- Haddii aanu xisbiyahan Kulmiye ahayn, way caawinaysaa arrintani (it is an advantage).
8- Waa inuu ahaado nin siyaasadda ku cusub, ama aan ruug cadda ku ahayn ama dhurwaa xagga siyaasadda.

 

Waxa xusid mudan in galbeedka iyo bariga Somaliland aan isku si loogu dabbiqin qaacidada, taasina waa waxa aan u aqaan la jiifiyaana bannaan.

Illaa immika Qaacidadaas ayaa shaqaysa; talow ma la beddeli doonaa qodobada aan kor ku soo sheegnay ee lagu soo xusho golaha; xataa haddii la beddelo, waxan eegi doona in meesha laga saaray waxan aynu ugu yeedhnay "la jiifiyaana bannaan" oo ku noqonaysa afka ingiriisiga kalmadda inconsistency.

Bal idiunkuna, saaxiibayaal, soo biiriya, haddii aan qodobo ka tegay. Ogowna, sida qaacido kasta lagu yaqaan waxa jiri kara midh midh khilaafa sidaa aynu soo sheegnay!!

Cabdo; u dhaq-dhaqaaqa arrimaha bulshada iyo maamul wanaagga..