Badhasaabka Gobolka Togdheer Iyo Xubno Wasiiro Ah Oo Debeda Looga Saaray Shirkii Madaxweynaha Somaliland La Galay Qaar Kamida Beelaha Somaliland

0
Thursday December 06, 2018 - 12:30:58 in by salman abdi
  • Visits: 481
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Badhasaabka Gobolka Togdheer Iyo Xubno Wasiiro Ah Oo Debeda Looga Saaray Shirkii Madaxweynaha Somaliland La Galay Qaar Kamida Beelaha Somaliland

    Badhasaabka Gobolka Togdheer Iyo Xubno Wasiiro Ah Oo Debeda Looga Saaray Shirkii Madaxweynaha Somaliland La Galay Qaar Kamida Beelaha Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Badhasaabka Gobolka Togdheer Iyo Xubno Wasiiro Ah Oo Debeda Looga Saaray Shirkii Madaxweynaha Somaliland La Galay Qaar Kamida Beelaha Somaliland

Badhasaabka Gobolka Togdheer Iyo Xubno Wasiiro Ah Oo Debeda Looga Saaray Shirkii Madaxweynaha Somaliland La Galay Qaar Kamida Beelaha SomalilandBadhasaabka Togdheer Iyo Wasiirro Banaanka Looga Saaray Shirarkii Madaxweynuhu La Galay Beellaha Degga Burco + Fadeexado Banaanka yimi Guddoomiyaha xisbiga WADDANI ee gobolka togdheer Maxamuud Xasan Saleebaan (Doob) ayaa fashiliyey fadeexaddo dul hoganaya safarkii madaxweynahu ku tagay gobolada bariga somaliland wuxuuna badka soo dhigay fashilka kulamo madaxweynuhu la galay beelaha dega gobolka togdheer oo madaxweynuhu banaanka uga saaray badhasaabka togdheer iyo qaar ka mid ah wasiirro ku jirra golaha xukuumadiisa


taas oo noqotay dhacdo ugub ah waxaana uu sheegay" madaxweynuhu markii uu reeraha la shiraayey wuxuu ka saaray badhasaabkii gobolka togdheer wuxuu ka saaray wasiirradii qaranka oo yidhi waxaan la shirayaa reer hebel ee waa inaad dibada iga joogtaan waa arrin aad u adag dawladnimadeenana nusqaan ku ah waxaa lagu yidhi ogaan maysid waxa reeraha lagula shiray, guddoomiyaha xisbiga WADDANI ayaa sheegay in fashil dulhogonayo safarkii madaxweynaha wuxuuna ku eedeeyey inuu sanaag bari ka jaray dalka isla markaana uu ka muquurtay deegaano badan oo ka mid ah dalka,"


booqashadii wuu sameeyey laakiin kuma faraxsanin sida safarka madaxweynuhu u dhacay madaxweynaha waxaa laga doonayey oo safarkiisa lagu sheegay guur kal ama xogagaal u noqosho waa inuu ogaadaa baahiyaha uu dadkiisu qabo shaqooyinka ka soconaya gobolada adeegyada ay xafiisyada dawladu bixiso madaxweynuhu taa badelkeeda wuxuu sameeyey in la soo dhaweeyo oo kharash farabadan la galiyo oo meelo loo xidh-xidho oo madal lagu soo dhaweeyo loo sameeyo halkay ahayd inuu soo eego meelaha dadka tabaalaysan joogaan iyo cusbataalada waxaana uu ka doorbiday in lagu soo dhaweeyo sacab iyo mushxarad madaxweynuhu markuu gobolada darafyada inoo dhaafay waa gobolo xasaasi ah oo gobolo la mataanaysan gobolka togdheer dhibaatadooduna aad ay noo saamaynayso dhumay, dharkayn geeyo madaxweynuhu nin daad qaaday buu sawir la galayey miyaanay dadka reer dhumay ka mid ahayn reer somaliland ee agoomoobay muxuu madaxweynuhu ugu tagiwaayey miyaanu madaxweyne u ahayn madaxweynuhu wuxuu jaray sanaag bari oo cabdi wali ku haambaraysanayaa inaguna tukaraq baynu difaac kaga jirnaa madaxweynihii muuse ka horeeyey isagoo aan il umar maran wuxuu istaagay laasqoray madaxweyne muuse albaabadii wuu inoo soo laabay xukuumaddu waxay dhamayn kari ladahay oo xal ka gaadhi ladahay jabhada yar ee caare wato