Xamza Xaamid oo dhigta jaamacadda Gonder wuxuu allifay Koronta xarig la'aan ku shaqeyneysa

0
Saturday December 08, 2018 - 11:53:00 in by salman abdi
  • Visits: 430
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xamza Xaamid oo dhigta jaamacadda Gonder wuxuu allifay Koronta xarig la'aan ku shaqeyneysa

    Xamza Xaamid oo dhigta jaamacadda Gonder wuxuu allifay Koronta xarig la'aan ku shaqeyneysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xamza Xaamid oo dhigta jaamacadda Gonder wuxuu allifay Koronta xarig la'aan ku shaqeyneysa

Xamze wuxuu ogaaday inuu awood u leeyahay inuu wax cusub uu allifo xilli uu yaraa oo uu dhiganayey fasallada seddexaad iyo afaraad inta badan hal abuurradiisu waxay la xiriireen korontada iyo qalabka korantada ku shaqeeya.

Xagga waxbarashada caadiga ahna waa wiil aad ugu firfircoon oo fasalka uu ku jira kaalmaha ugu horreeya ka gala, wuxuuna si gaar ah uu u jecel yahay maaddooyinka Xisaabta iyo Fiisiksi.

Tallaabbadiisa ugu horreysa ee hal abuurka waxay ku billaabatay xilli uu dugsi hoose ku jiray oo uu arkay ogeysiis ardayda loo soo dhajiyey oo sheegay ciddi la timaadda hal abuur cusub inuu maamulka dugsiga uu taageera ka helayo.

Xamza oo ogeysiiskaasi uu dhiirragelin u noqday ayaa wuxuu marki ugu horreysay uu sameeyey nalka tiraafikada ee baabuurta kala hago balse maadaamaa uu hal abuurkiisi ugu horreyey ahaa isaga oo aad u cabsanaya ayuu maamulaha dugsiga u soo bandhigay.

Fursaddaasi waxay Xamza u noqotay mid qaali ah wuxuuna kala kulmay dhiirragelin uusan filaneyn abaalmarin ayaan lagu guddoonsiiyey.

Xamza oo maamulaha dugsiga taagera ka helayo wuxuu haddana sameeyey sameecad dhageysiga idaacadaha loo adeegsan karo oo raadiyeyaasha lagu xiriirin karo.

Tartanka hal abuurka oo dugsigooda laga sameeyeyna wuxuu ka galay kaalinta labaad.

In ka badan 20 hal abuur oo kala duwan ayuu Xamza marar kala duduwan soo bandhigay sida mashiin casri ah oo lagu daba galo ardayda habsaanta, mashiinta shaaha lagu kariyo, qalab beero iwm...

Wuxuu sida oo kale sameeyey teleefan aan khad iyo lacag toona u baahneen oo iskii u shaqeeynaya teleefankaasina wuxuu noqday mid ay macallimiinta dugsiga xilliyada ay shirayaan ay adeegsadaan oo wax kharash ahna uu kaga baxeyn.

Astaanta Jaamacadda Gonder uu Xamza dhigtoLahaanshaha sawirkaUNIVERSITY OF GONDER FB
Image captionAstaanta Jaamacadda Gonder uu Xamza dhigto

Korontada xarig la'aanta ku shaqeyneysa (Wi-power)

Xamza oo oo sanadka koobaad Jaamacadda Gonder ka dhigta maaddada Muhandisnimada Korantada iyo Koombiyuutarrada wuxuu inta badan akhriyaa buugaagta ay qoreen ama laga qoray Albert Einstein iyo Tomas Edison.

Inta badan hal abuurrada Xamza Xaamid waxay ku saleysan yihiin kuwa wax ka qaban kara dhibaatooyinka faraha badan ee ka jira dalka Itoobiya.

Selemon Mesfiin oo ka mid ah macallimiinta Jaamacadda ayaa wuxuu sheegayaa Korantada xarig la'aanta iyo internetka bilaa xarig ah oo uu labaduba xamza sameyey iney jaamacadda gacanta ku hayso oo tijaabo iyo baaritaan ku waddo.

Xamza oo hal abuurkiisa interneetka bilaa xarigga ah (Signal Wi Fi) ku soo bandhigay bandhigga Saayiniska iyo teknooloojiyadda ee heer caalami wuxuu ku muteystay abaalmarin isaga oo kaalinta labaad ka galay dhinaca hal abuurrada bandhiggaasi lagu soo bandhigay.

"Hal abuurradiisa kan ugu muhiimsan ee aadka loola yaabay oo aan horay loo arag wuxuu yahay koronta xarig la'aan ku shaqeeyneysa (Wi-power) Jaamacadda Gonder ilaa ay baaritaannadeeda dhammeysana xog intaa dheer ka bixin meyso" ayuu yiri Selemon.

"Korontada halka laga shidayo iyo nalka halka uu ka shidmayo oo aan isku dhaweyn iyada oo aan wax xarig ah lagu xiriirin uu indhahiisa ku arkay nalka oo ifaya 'runti waa hal abuur cajiib ah'."

Marki ugu horreysay oo uu Xamza korontada sameeynayey, korantada halka ay mareyso haddii uu qof maro wuxuu dareemi jiray korontada garirkeeda balse dadaal dheer kaddib wuxuu ku guuleystay ineysan dadka wax dhib ah u geysanin korantada ay si caadi ah u shaqeyso.

Jaamacadda GonderLahaanshaha sawirkaUNIVERSITY OF GONDER FB
Image captionJaamacadda Gonder

Jaamacadduna waxay Marwalba Xamza Xaamid la garab taagan tahay taageera buuxda, waxayna si buuxda ugu fasaxday inuu xilliga uu doono uu adeegsado qaybta sheybaadhka korontada ee jaamacadda, tababarrada iyo latalinta uu u baahdana ay marwalba jaamacadda siiso.

Wasaaradda Saayniska iyo Teknooloojiyadda Itoobiya oo u xilsaaran iney diiwaan geliso isla-markaana aqoonsato hal abuurrada dalka Gudahiisa waxay diyaar u tahay Jaamacadda Gonder markay warbixinta hal abuurka ay u soo gudbiso iney si buuxda u aqoonsato xuquuqda lahaanshaha hal abuurkaasina ay u ilaaliso Xamza Xaamid.