Da'yarta ugu badan waxay ku dhintaan shil baabuur, maxay tahay sababta

0
Saturday December 08, 2018 - 12:00:26 in by salman abdi
  • Visits: 391
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Da'yarta ugu badan waxay ku dhintaan shil baabuur, maxay tahay sababta

    Da'yarta ugu badan waxay ku dhintaan shil baabuur, maxay tahay sababta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Da'yarta ugu badan waxay ku dhintaan shil baabuur, maxay tahay sababta

Hay'adda Caafimaadka adduunka ee WHO, ayaa daabacday tirooyin muujinaya in qaaradda Afrika ay tahay halka ugu sarraysa ee ay ka dhalato dhimashada la xiriirta shilalka gawaarida.

Dhanka kale hay'adda ayaa sheegtay in shilalka gawaarida ugu badan ee ay ku le'daan dadka dhalinyarada ah.

Warbixinta ayay hay'adda sidoo kale ku sheegtay in waddamo badan oo ka tirsan Afrika iyo Koonfurta Mareykanka aysan lahayn sharci lagu xaddidayo xawaaraha gawaarida.

Warbixintu waxay intaa ku dartay, in waxyaabaha ugu badan oo ay dadka ugu badan dunida u dhintaan ay yihiin shilalka gawaarida ka dhasha.

Waxayna shilalka baabuurta ee dhaca ay inta badan saameeyaan carruurta iyo dhalinyarada ay da'doodu u dhaxeyso 5 jir iyo 29 jir.


 
Dhakhtar Soomaaliyeed oo abaalmarin caalami ah ay gudoonsiiyey hay'adda WHO

Dadka ku dhinta shilalka baabuurta ayaa aad uga badan dadka u dhinta cudurrada sida HIV/AIDS, Qaaxada iyo cudurrada shubanka.

Agaasimaha guud ee hay'adda caafimaadka adduunla Dr Tewedros Adhanom ayaa sheegay in shilalka baabuurta ay soo badanayaan ayna u baahan yihiin xal caalami ah oo lagu yareyn karo.

Warbixintu waxaa kale oo ay sheegtay in 10-kii kun ee qofba ay boqolkiiba 26.6 ka mid ah oo ku nool qaaradda Afrika iney shilalka gawaarida ka dhasha ay u dhintaan taasi oo ay uga wacantahay xawaaraha oo aan xaddidneeyn iyo waddooyinka qaaradda oo aad u liita.

54 dal ee ay ka kooban tahay qaaraddan Afrika ku dhawaad kala badh malahan sharci xaddidayo xawaaraha baauurta.

Botswana, Ivory Cost iyo Cameron ayaa ugu badan dadka ku dhinta shilalka baabuurta.

Halka ay waddamada Masar, Angola, Burkinafaso iyo Bururndi ay shilalka baabuurta hoos u dhigeen.

Qaaradda Afrikana waa qaaradda ay ku dhintaan dadka ugu badan ee bayskiillada iyo mootooyinka isticmaala.

Warbixinta WHO waxay ku soo gabagabeysay sanadki 2016-ki oo keli ah 1.35 milyan oo qof iney shilalka gawaarida ku dhinteen tiradaasi oo ah mid aad uga badan sanadkii ka horreeyey.

.

Shilalkuna waxay seddex jibbaar ku badan yihiin waddamada dakhligooda hooseeya ee saboolka ah.

Qaaradda Afrikana xagga shilalka waxa ku soo xiga waddamada ku yaallo Koonfurta Bari ee qaaradda Aasiya.

Halka ay Yurub, Mareykanka iyo galbeedka Pacifica ay aad hoos ugu dhigeen xaddiga dhimashada shilalka baabuurta.