Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka UK Oo Dawladiisa Ugu Baaqay Inay Aqoonsiga Somaliland.

0
Sunday December 09, 2018 - 13:26:46 in by salman abdi
  • Visits: 570
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka UK Oo Dawladiisa Ugu Baaqay Inay Aqoonsiga Somaliland.

    Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka UK Oo Dawladiisa Ugu Baaqay Inay Aqoonsiga Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka UK Oo Dawladiisa Ugu Baaqay Inay Aqoonsiga Somaliland.

ildhibaan Mathew Offord oo ka tirsan Baarlamaanka dalka Ingiriiska, ayaa dawladda dalkiisa ugu baaqay inay horseed ka noqoto aqoonsiga qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland.

Xildhibaan Mathew, wuxuu dawladda dalkiisa u soo jeediyay inay Qaramada Midoobay u gudbiso dalab ay ku weydiisanayso aqoonsiga Somaliland,

"Waxaan jecelahay in dawladda Ingirisku ay horseed ka noqoto si ay Qaramada Midoobay Somaliland ugu aqoonsato dal madaxbanaan oo xuquuqdiisa leh.” Ayuu yidhi Xildhibaan Mathew, waxaanu intaas raaciyay "Waana inay sidoo kale xubnaha kale ee Baarlamaanka u sharaxdaa inay fursad weyn u tahay Ingiriiska, ka dib ka bixitaankii Midowga Yurub inay xidhiidho la samaysato dalalka Bariga Afrika, waana dal weyn oo leh mustaqbal wanaagsan.”

Xildhibaanku, wuxuu sheegay in maalgashiga DP world ee dekedda Berbera uu fursad u yahay Somaliland iyo sidoo kale gobalka Geeska Afrika oo dhan, waxaanu sidoo kale sheegay in horumar dhaqaale oo Somaliland ka hirgalaa uu faa’iido iyo fursad u leeyahay shirkadaha Ingiriiska iyo qurbe joogta Somaliland ee degen dalkaas Ingiriiska.

Laakiin xukuumadaha kala dambeeyay ee dalka Ingiriiska ayaa aqoonsiga qadiyada Somaliland waxa ay ku riixaan inay horseed ka noqdaan dalalka gobalka Geeska Afrika iyo wada hadal ay qaddiyadan heshiis kaga gaadhaan Soomaalida dhexdeedu.

Source:- Geeska