Garoowe:Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Oo Dacwad Ka Gudbiyey Madaxweyne Gaas Iyo Goorta Ay Maxkamada Sare Ka Garnaqayso

0
Monday December 10, 2018 - 16:03:06 in by salman abdi
  • Visits: 490
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garoowe:Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Oo Dacwad Ka Gudbiyey Madaxweyne Gaas Iyo Goorta Ay Maxkamada Sare Ka Garnaqayso

    Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Cumar Camay ayaa dacwad ka gudbiyey madaxweynaha maamulkaasi Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Cumar Camay ayaa dacwad ka gudbiyey madaxweynaha maamulkaasi Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.


Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Camey ayaa maxkamada sare u gudbiyey dacwada ka dhanka ah madaxweyne Gaas taas oo salka ku haysa magacaabista guddida xalinta khilaafaadka khilaafaadka doorashada baarlamaanka maamulkaasi, taas oo madaxweyne ku xigeenku ka hor yimid guddida uu magacaabay madaxweynuhu.


Sidoo kale wararka ayaa xaqiijiyey in madaxweynaha iyo ku xigeenku ay diyaarsadeen qareenadii u doodi lahaa, iyada oo maxkamadu ay dhawaan bilaabi doonto dhagaysiga dacwada u dhaxaysa labada masuul ee ugu sareeya dawlada maamulka Puntland.Sarkaal ka tirsan maxkamada sare ee maamulka Puntland ayaa warbaahinta gudaha maamulkaasi u xaqiijiyey inay jirto dacwada uu soo gudbiyey madaxweyne ku xigeenka, waxaanu intaas raaciyey in maxkamada sare awood u leedahay ka garnaqa dacwadaha siyaasiga ah maadaama aanay jirin maxkamadii dastuuriga ahayd.

 

Khilaafkii u dhaxeeyey madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland ayaa hada u muuqda mid sii baahaya isla markaana uu sii fogaanayo xal loo helaa, iyada oo haatan ay maxkamadu go’aan ka soo saari doonto.