Xoghayaha Golaha Shacabka oo sheegay in uu buray mooshinkii laga keenay madaxweyne Farmaajo

0
Tuesday December 11, 2018 - 13:45:05 in by salman abdi
  • Visits: 419
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha Golaha Shacabka oo sheegay in uu buray mooshinkii laga keenay madaxweyne Farmaajo

    Xoghayaha Golaha Shacabka oo sheegay in uu buray mooshinkii laga keenay madaxweyne Farmaajo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha Golaha Shacabka oo sheegay in uu buray mooshinkii laga keenay madaxweyne Farmaajo

Qoraal ka soo baxay xoghayaha Golaha Shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux sidoo kale-na loo diray guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa lagu sheegay in uu buray sharciyan mooshinkii laga keenay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

 

 

"Mudane Guddoomiye, aniga oo gudanaya waajibkayga ah masuulka maamul ahaan Golaha ugu xilsaaran xaqiijinta dukumintiyada Golaha, tirada qoraallada saxiixyada, soojeedinta naloo soo gudbiyay oo dhammaa 92 (sagaashan iyo labo) haddii laga jaro 14 (afar iyo toban), waxaa kusoo haraya Hindisaha 78 (toddobaatan iyo sided). Haddaba tirada xildhibaannada kusoo haraya Hindisahan ee xaqiiqda ah ma buuxinayo tiradan uu qodobka 92aad, farqada 2aad ee Dastuurka KMG oo sharciyeedu ansax ku noqon karto saddex meelood meel."

Xoghayaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale warqaddan uu u qoray Guddoonka Golaha Shacabka waxa uu kula socod-siiyay in Hindisaha Xil ka qaadista Madaxweynaha JFS (09/12/2018) uusan soo buuxin shuruudihii dastuuriga ah ee u xusan warqadda.

Shalay ayay ahayd markii labada Guddoomiye Ku Xigeen ay soo saareen warqad ay ku hakinayaan hawlaha Golaha Shacabka iyaga oo tilmaamay in Guddoonka Golaha Shacabka uu ka dhex jiro khilaaf dastuuri ah oo u baahan in xal degdeg ah laga gaaro.
 
Akhriso Qoraallka :