Xog-xasaasiya Ah:-Mid Ka Mid Ah Gudoomiyayaasha Xibsiga Kulmiye Oo Dhawaac U Geystay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe

0
Thursday December 13, 2018 - 14:58:40 in by salman abdi
  • Visits: 420
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xog-xasaasiya Ah:-Mid Ka Mid Ah Gudoomiyayaasha Xibsiga Kulmiye Oo Dhawaac U Geystay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe

    Xog-xasaasiya Ah:-Mid Ka Mid Ah Gudoomiyayaasha Xibsiga Kulmiye Oo Dhawaac U Geystay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xog-xasaasiya Ah:-Mid Ka Mid Ah Gudoomiyayaasha Xibsiga Kulmiye Oo Dhawaac U Geystay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe
Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa habeenkii xalay ahaa dhawaac Fudud oo isha dusheeda ah u geystay Gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye Md Axmed Cabdi Dheere .

Masuulyiin uu ka mid yahay Wasiirka Arimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed , Wasiirka Macdanta Somaliland iyo Xildhibaan Obama ayaa habeenkii xalay aheyd Faysal Cali Waraabe ugu yeedhay in uu yimaado Hotel Maansoor si ay meesha uga saaraan khilaaf kooban oo dhawaan soo kala dhex galay isaga iyo Gudoomiye Axmed Cabdi Dheere .

Markii uu Faysal madasha soo gaadhay ayaa sida ay xoguhu ku soo gaadheen Warbaahinta waxaa gudoomiye Axmed Cabdi Dheere Faysal ku yidhi " soo fadhiiso Faysalow ha laynoo Gar Naqee”

Gudoomiye Faysal ayaa hadalkaasi ganafka ku dhuftey isla markaana ku yidhi " aniga adiga laynoo garnaqi maayo , nin weyn baan ahay oo Cigaal iyo Siilanyo la soo shaqeeyey ee inamadiinan yar yare e Kulmiye adiga iyo Xinif hadii aad I nabad galin weydaan madaxaan idinka toogan Doonaa..”

Hadalkaas Gudoomiye Faysal ayaa waxaa si xun uga cadhoodey Gudoomiye Axmed Cabdi Dheere kaas oo Mobile uu gacanta ku hayey ku dhuftey Gudoomiye Faysal ,kaas oo kaga dhacay isha dusheeda isla markaana soo gaadhsiiyey Dhaawac fudud .

Dhawaan ayey aheyd markii madaarka Hargeysa ay hadalo kulul isku weydaarsadeen Gudoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Md Axmed Cabdi Dheere