Mukhtaar Rooboow oo laga dajiyay magaalada Muqdisho iyo ciidamada NISA oo la wareegay

0
Thursday December 13, 2018 - 15:39:03 in by salman abdi
  • Visits: 378
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mukhtaar Rooboow oo laga dajiyay magaalada Muqdisho iyo ciidamada NISA oo la wareegay

    Mukhtaar Rooboow oo laga dajiyay magaalada Muqdisho iyo ciidamada NISA oo la wareegay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mukhtaar Rooboow oo laga dajiyay magaalada Muqdisho iyo ciidamada NISA oo la wareegay

Wararka naga soo gaaraya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegaya in goor dhaw halkaa laga soo dajiyay Sheekh Mukhtaar Rooboow .

 

 

Wariyaha Hiiraan Online Nuurre Maxamed ayaa sheegay in saraakiil ka tirsan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde u xaqiijiyeen in Mukhtaar Rooboow laga soo dajiyay diyaarad yar oo kuwa rakaabka qaada ah oo ka timid magaalada Baydhabo laguna wareejiyay ciidamada nabad-galyada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan hay'adda NISA oo halkaa uga qaaday gadiidka qafulan.

 

Lama oga halka ay u kaxeeyeen mas'uulkan oo ka mid ahaa musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xariggiisa ayaa xiisad adag ka abuurtay magaalada Baydhabo oo wali meelaha qaar laga maqlayo rasaas u dhaxeysa ciidamada nabad-galyada iyo dad ka carreysan xariggiisa.

Dowladda federaalka horay Mukhtaar Rooboow waxaa ay uga joojisay in uu isku soo taago xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, hasse ahaatee arintaa waa uu ku gacan-seyray, waxaana uu labo jeer oo is xigta shahaatada musharaxnimada uu ka qaatay guddiga doorashada maamulka Koonfur Galbeed.