itoobiya:-Safiirada Wadamada Yurub U Fadhiya Itoobiya Oo Ka Hadlay Aragtida Ay Ka Qaban Isbalada Uu Waddo Raysal Wasaare Dr. Abiy Ahmed+Sawiro

0
Sunday December 16, 2018 - 11:50:00 in by salman abdi
  • Visits: 444
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    itoobiya:-Safiirada Wadamada Yurub U Fadhiya Itoobiya Oo Ka Hadlay Aragtida Ay Ka Qaban Isbalada Uu Waddo Raysal Wasaare Dr. Abiy Ahmed+Sawiro

    Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed ayaa la kulmay in ka badan 30 safiir oo dalkaasi u fadhiya wadamada qaarada yurub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed ayaa la kulmay in ka badan 30 safiir oo dalkaasi u fadhiya wadamada qaarada yurub.


Sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska raysal wasaaraha Itoobiya, safiiradan ayaa si gaar ah uga hadlay furfurnaanta dhinaca siyaasada iyo saxaafada ee haatan ka hir gelaya dalka Itoobiya, iyaga oo muujiyey sida ay u taageersan yihiin kaalinta ay Itoobiya ka ciyaarayso deganaanshaha iyo isdhex galka wadamada Geeska.Safiiradan kulanka la qaatay raysal wasaaraha dalka Itoobiya ayaa kulankaas ka sheegay inay soo dhawaynayaan talaabooyinka ay Itoobiya qaaday bilihii ugu dambeeyey taas oo ay ku sheegeen mid uu sababay raysal wasaaraha hada hogaaminayaa.

 

 

Sidoo kale safiirada wadamada yurub u qaabilsan Itoobiya iyo dublamaasiyiin kale ayaa soo bandhigay sida ay ula dhacsan yihiin talaabooyinka ay Itoobiya u qaaday dhinaca wanaaga iyaga soo si wada jir ah u sheegay inay sii wadayaan wada shaqaynta ay la leeyihiin dalka Itoobiya.