London:-Jariirad Ka Soo Baxda UK Oo Shaacisay Laba Qof Oo Ay U Soo Xulatay Shakhsiyaadka Sanadka 2018 Ee Qaarada Afrika

0
Sunday December 16, 2018 - 16:05:16 in by salman abdi
  • Visits: 352
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    London:-Jariirad Ka Soo Baxda UK Oo Shaacisay Laba Qof Oo Ay U Soo Xulatay Shakhsiyaadka Sanadka 2018 Ee Qaarada Afrika

    Jariirad Ka Soo Baxda UK Oo Shaacisay Laba Qof Oo Ay U Soo Xulatay Shakhsiyaadka Sanadka 2018 Ee Qaarada Afrika

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jariirad Ka Soo Baxda UK Oo Shaacisay Laba Qof Oo Ay U Soo Xulatay Shakhsiyaadka Sanadka 2018 Ee Qaarada Afrika

ariirada African Leadership Magazine ayaa shaacisay masuuliyiinta Afrika ee sanadka 2018.

Jariirada ayaa sheegtay in codbixin ay ka qayb galeen dad gaadhay hal milyan ay 85% ugu codeeyeen in raysal wasaaraha Itoobiya uu yahay shakhsiyada Afrika ee sanadkan sii dhamaanaya ee 2018.

Amina J Mohammed oo ah ku xigeenka xogyahaha guud ee qaramada midoobay isla markaana hore u soo noqotay wasiirka deegaanka ee dalka Nigeria ayaa loo xushay hogaamiyaha dumarka Afrika ee sanadka 2018 sida ay sheegtay jariiradu.

Labadan masuul ee guulaystay ayaa abaal marinta lagu sharfi doono waxa la gudoonsiin doonaa 22-ka bisha February ee sanadka 2019 iyada oo lagu casuumi doono xaflad balaadhan oo loogu qabanayo magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

 

Jariirada African Leadership Magazine oo ah shirkad ka diwaan gashan dalka Ingiriiska ayaa sanad kasta bixisa abaal marin dhiiri gelin ah oo ay ugu tala gashay dadka afrikaanka ah.

Jariiradan ayaa diirada saarta sidii ay caalamka ugu sheegi lahayd waxyaabaha ugu wanaagsan ee Afrika iyada oo gaadhsiinaysa sheekooyin ku saabsan Afrika oo laga keenay aragtiyaha qaarada iyo waxyaabo ku saabsan sida loo xalin karo caqabadaha ay qaaradu wajahayso wakhtigan.