Puntland:-Madaxweynaha Maamulka Puntland Miyuu U Tartamayaa Talada Maamulkaasi Markii 2aad?

0
Tuesday December 18, 2018 - 19:54:16 in by salman abdi
  • Visits: 475
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland:-Madaxweynaha Maamulka Puntland Miyuu U Tartamayaa Talada Maamulkaasi Markii 2aad?

    Madaxweynaha Maamulka Puntland Miyuu U Tartamayaa Talada Maamulkaasi Markii 2aad?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maamulka Puntland Miyuu U Tartamayaa Talada Maamulkaasi Markii 2aad?

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu markii 2aad u sharaxan yahay xilka madaxweyne-nimo ee maamulkaasi.

Madaxweynen Gaas ayaa kulan balaadhan oo lagu qabtay xarunta jaamacada Bariga Afrika waxa uu ka sheegay musharaxnimadiisa isaga oo soo bandhigay waxqabadkii uu maamulkaasi ka hir geliyey mudadii uu talada u hayey.

Madaxweynaha Punttland oo ka hadlaya siyaasada uu maamulkaasi ku hogaaminayey shantii sanadood ee ugu dambaysay iyo musharaxnimadiisaba waxa uu yidhi "Mudanayaal waxaan Puntland ku hoggaaminayay mudo 5 sano ah siyaasad ku dhisan dulqaad, ixtiraam iyo isu tanaasul iyo Puntland ka siman magaca, manfaca iyo maamuuska, Sidaa owgeed anoo ka faa’iideysanaya khibradii 5tii sano, waqtigii aan u helay ogaanshaha dhammaan baahida dalkeena, diiraddana saaraya waxa dhiman iyo waxa naga qaldamay, helay talooyin igu filan, ogaaday qaabka aan u abuuri karno kaabayaal dhaqaale oo hor leh, ka jawaabayana arrimihii aan ka gaabinay 5-tii sano ee hore, ayaan maanta oo taatiikhdu tahay 18 Bishii 12, 201, waxaan ku dhawaqayaa inaan u taaganahay Musharaxnimada Madaxtinimada Doorashada Dowladda Puntland ee 2019-ka."