Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Oo Ku Fashilmay Shaqadiisi, Xafiiskii Oo Xidhan Xili Uu Madaxweyne Kuxigeenka Saylic Oo Ku Sugan Burco.

0
Monday December 24, 2018 - 15:25:10 in by salman abdi
  • Visits: 419
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Oo Ku Fashilmay Shaqadiisi, Xafiiskii Oo Xidhan Xili Uu Madaxweyne Kuxigeenka Saylic Oo Ku Sugan Burco.

    Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Oo Ku Fashilmay Shaqadiisi, Xafiiskii Oo Xidhan Xili Uu Madaxweyne Kuxigeenka Saylic Oo Ku Sugan Burco.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Oo Ku Fashilmay Shaqadiisi, Xafiiskii Oo Xidhan Xili Uu Madaxweyne Kuxigeenka Saylic Oo Ku Sugan Burco.

Badhasaabka Gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi (Cadow-yuurure) oo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi soo magacaabay horaantii markii uu xilka qabtay ayaa ku haftay shaqadii uu qaranka uu hayay.


Gudoomiye Xamse Maxamed Cabdi (Cadow-yuurure) oo xilka la xafiska la wareegay lixdii bishii labaad ee sanadkan 2018-ka ayaa waxa soo baxayay cabashooyin xoogan ay ka muujiyeen shacabka ku dhaqan magaalada burco, waxaana dibu-dhac balaadhaan uu ku habsaday horumarkii gobolka togdheer la filaayay inuu ka tisqaado, xafiiska Gudoomiye Cadow-yuurure ayaana ah mid inta badan albaabadu ay u xidhan yihiin oo aan wax shaqo ah ka socon.


 

 

Wariye Ka Tirsan warbaahinta oo maanta booqday xafiiska maamulka gobolka togdheer ayaa kusoo arkay xaalad uu ku tilmaamay "Argagax” waxaanu waraysi la yeeshay qaar ka mid ah dadkii shacabka ah ee u baahnaa in loo shaqeeyo oo ku hungoobay xafiiskii badhasaabka gobolka togdheer oo albaabadu u laaban yihiin, iyagoo madaxweynaha Somaliland ugu baaqay inuu xilka ka qaado badhasaabkan fadhiidka noqday.


"Xaalad xun iyo dibu-dhac balaadhan ayaa gobolka togdheer ku habsaday, waxana qabsaday nin aan shaqadii qaranka waxba ka garanayn mar walba waanu nimaadnaa xafiiska gudoomiyaha anagoo u socona arrimo isaga quseeya laakin waxa la odhanayaa ma joogo oo hargeysa ayuu ku maqan yahay xamse ma wax loo doortay burco mise hargeysa, madaxweyne muuse waxan leeyahay ninkan xilka ka qaad” ayuu yidhi oday magaciisa ku sheegaay faarax cilmi caydiid oo warbaahinta la hadlay


Marka Laga Yimaado xafiiska Maamulka Gobolka togdheer ee albaabadu u laaban yihiin ee dadka shacabka ahi ay subax walba ku hogoobaan, mudadii uu xamse Cadow-yuurure xilka qabtay lama arag isagoo wax waxqabadka ah sameeyay marka laga reebo munaasibadaha dhagax-dhiga ee dawlada hoose ee burco dhisayso oo uu kamarada isku dhigo si uu u danbabaso fadhiidnimada ba’an ee dul hoganaysa shaqadiisa.


Ilo-looga qaateen ah oo warbaahinti helayso ayaa tibaaxaya in mudadii uu xilka hayay gudoomiye Cadow-yuurure uu ku kacay musuq-maasuq baahsan iyo wax is-daba marin isagoo sida xogguhu tibaaxanayaan uu shaqaalaysiiyay dad gaar ah oo isagu wato, isla markaana aan liiska shaqaalaha dawlada ku jirin, taas oo laf-jab ku ah milgaha iyo qaranimada somaaliland.


Ugu Danbeyn Bulshada ku dhaqan magaalada oo dhawr jeer saxaafada madaxa-banaan la hadlay ayaa aad ula yaabay magac uu isu bixiyay gudoomiye Cadow-yuurure kaas ah "Xamse Walaaleye” iyagoo shacabku su’aal galiyeen mgacaas waxaanay taas badalkeeda u bixiyeen magac fashiliyay sida uu badhasaabka gobolka todheer ugu guul-daraystay shaqadii qaranka kaas oo ah "Xamse Kursi la-ciyaar”, dadka siyaasada rog-roga ayaa sadaalinaya in gudoomiye Cadow-yuurure uu safka hore kaga jiro isku shaandheynta uu soo wado sanadka cusub madaxweynaha Somaliland, waxaan xusid mudan in aanu gobolka todheer lahayn gudoomiye ku-xigeen.