Hargaysa:-Xukuumada Somaliland Oo Joojisay Bandhig Faneed Ay Qabanaayeen Kooxda Xidigaha Geeska+Sababta

0
Tuesday January 01, 2019 - 09:07:23 in by salman abdi
  • Visits: 438
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:-Xukuumada Somaliland Oo Joojisay Bandhig Faneed Ay Qabanaayeen Kooxda Xidigaha Geeska+Sababta

    Xukuumada Somaliland Oo Joojisay Bandhig Faneed Ay Qabanaayeen Kooxda Xidigaha Geeska+Sababta Ciidamaha Amaanka Ee Magaalada Hargysa ayaa Barnaamij Lacag badan ku baxday oo ay qabanayeen Fanaaniinta Xidigaha Geesku amar iyo awood dawladnimo ku jooji

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Somaliland Oo Joojisay Bandhig Faneed Ay Qabanaayeen Kooxda Xidigaha Geeska+Sababta Ciidamaha Amaanka Ee Magaalada Hargysa ayaa Barnaamij Lacag badan ku baxday oo ay qabanayeen Fanaaniinta Xidigaha Geesku amar iyo awood dawladnimo ku joojiyay


Barnaamij faneedkan ayaa caawa lagu daah furilahaa Heeso Cusub .. 2019

Ciidmada ayaa fanaaniinta Ugu galay Hutelka Karoon isla markaana kooxdaas Debedda uga soo saaraay Hoteelka

Ciidamada oo fulinaya amarka Wasaarada Diinta iyo Awqaafka Somalilamd ku mamnuucday in aan laxusi karin Sanadka Cusub ee 2019 ka waxaa ay amreen Fanaaniinta inay hurdo tagaan Sidoo kalene waxay albaabada usoo xidheen Hutelka Karoon oo barnaamij faneed kan martigelayay...

Sida laga warqabo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland waxa uu u mamnuucay in aan habeenka kala wareega Sanadka cusub. ..aan Xaflado lagu qaban karin Hargaysa lknse Barnaaminkan ayaa ahaa mid warbaahintu Duubanaysay oo fanaaniinta ugaar ahaa oo bilaa Shicib ahaa. ....

Dawladda ayaa fasaxday shaqaalaha dawlada kana nasatay shaqadii maalinta beri ah Xuska sanadka cusub dartiii shaqaalaha wasaarada Diinta iyo Awqaafta ayaa kamida Xafiiska Yada sanadka u cusub shaqada kanasanaya gaar ahaan maalinta Berri.....

Fanaaniinta soomaaliland ayaa Sanadkasta Caawa oo kale Soo saara heeso cusub

 

Fanka Casriga aha ayaa xoogaystay oo Siwayn ushaacbaxay 8-dii sanadood ee uu wasiir Khaliil ahaa Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland ...

 

Fanaaniinta Xidigaha geeska oo Fan iyo Cod wacnaan isu darsaday ayaa ku Caan baxay heeso jacayl ah kuwo waddaniya Iyagoo aan weli reer galbeedka lacag helin iyo maalgelin midna haddana dadaal ay samèyeen ayay ku hantiyeen Dhegaha Dadwaynaha Somaliland
iyo Soomalida, Halka wadaada oo ay ahayd in ay Door firfircoon ka ciyaaaraan sidii aay hal abuur Samo iyo Kalgacal human dad ujeclaysiin la haayeen Maqalka Wacdiga iyo wanaaga alle loogu dhawaanayo ay Kaga dhegtay Dacaayad iyo Dhaleecayn Fanaaniin ay si farshaxan leh suuqa uga saarikaraan wadaadadu iyagoo Lacagtii Khaliij ku ku socoto ayay haddana Ku guuldaraystay xatta inay MP3-YA gaadiidka ay si raali lagu yahay ula wareegaan oo laga dhegaysto marka marka laga reebo dhawr Wadaad oo Caan ah alle haxafido'e oo ilbaxnimo iyo aqoon diineed leh ooo iyaga Wacdigooda aan laga xiiso goyn..

Fanaaniinta Xidigaha geeska Sanadkan gaabis ku yimi fankoodii iyo waxsoosaarkoodii ka dib markii ay isla jaanqaadikari waayeen Xukuumada Somaliland waxaana muuqata in ay dhabarka isusii jeediyeen Xukuumada iyo Xidiguhu sikastaba ha ahaatee fanaaniintu kuwama talo gelin Cashar kan Caawa loo dhigay ee ku qabsaday hotel Karoon Magalada Hargaysa

Waxaynu se eegnaa sugaynaa sida ay uga falceliyaan Talaabadan aanay laqabsan Xidiguhu