London:-Ra'iisalwasaarihii hore ee Britain Oo Uu Ka Dhacay Kaadhkii Uu Ku Geli Jiray Xarunta Baarlamaanka Dalkiisa.

0
Thursday January 03, 2019 - 09:38:22 in by salman abdi
  • Visits: 396
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    London:-Ra'iisalwasaarihii hore ee Britain Oo Uu Ka Dhacay Kaadhkii Uu Ku Geli Jiray Xarunta Baarlamaanka Dalkiisa.

    Ra'iisalwasaarihii hore ee Britain, David Cameron, ayaysan u suurtageli doonin in uu si fudud ku galo dhismaha baarlamaanka dalkaasi, ka dib markii uu ka dhacay kaarka aqoonsiga ah ee uu ku gali jirtay dhismahaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisalwasaarihii hore ee Britain, David Cameron, ayaysan u suurtageli doonin in uu si fudud ku galo dhismaha baarlamaanka dalkaasi, ka dib markii uu ka dhacay kaarka aqoonsiga ah ee uu ku gali jirtay dhismahaasi.

416 qof oo horey u soo noqday xildhibaanno ayaa ilaa haatan haysta kaararkaasi u fududeynaya in ay ku galaan dhismaha baarkamaanka dalkaasi ee loo yaqaan Westminster.

Liiska uu ku qoran yahay magacyada xildhibaanadaasi hore ayaa hadda waxaa ka maqan David Cameron oo sanaddo ka hor iska casilay xilka ra'iisalwasaarenimada ka dib markii shacabka Britain ay u codeeyeen in ay isaga baxaan Midowga Yurub.

David Cameron oo la sheegaya in uu ku jiro hami ah in uu mar kale siyaasadda ku soo noqdo ayaysan u suurtageli doonin in si fudud uu ku soo galo dhismaha baarlamaanka maadaama uu ka dhacay kaarkii uu ku gali jiray halkaasi.

 

Wargeyska The Daily Mail ayaa sheegaya in xafiiska David Cameron uu mas'uuliyiinta baarlamaanka ka filayay in ay ku wargeliyaan in uu kaarkiisa dib u soo cusbooneysiisto.

Caadiyan, dalka Britain, xildhibaannada baarlamaanka ayaa xaq u leh kaarar aqoonsi ah oo u sahlayo in si fudud ay ku galaan dhismaha baarlamaanka, ayna helaan adeegyada kharash ahaan ay dowladda kabto waa haddii oo kaliya ay kaararkaasi codsadaan.

BBC-da ayaa ogaatay in magaca David Cameron uusan ku jirin liiska magacyada xildhibaannada hadda haysta kaararkaasi.

Weli Cameron waxa uu haystaa fursad uu ku codsado kaarkaasi ka hor inta aan rasmiyan liiskaasi la gudbin dhammaadka bishan janaayo ee aan ku jirno.

David Cameron ayaa xilkii xildhibaannimada iyo kii ra'iisalwasaarenimaduba iska casilay ka dib natiijadii aftidii Britain ay uga baxday Midowga Yurub.

Tan iyo xilligaasina laguma arkin saxada siyaasadda balse dhawaan ayuu bartiisa Twitter-ka ugu baaqay xildhibaannada xisbiga muxaafidka in ay codkooga ku taageeraan ra'iisalwasaare Theresa May oo xilligaasi wajaheysay cod kalsooni kala labasho ah.

Xafiiska Theresa May ayaa beeniyay in David Cameron uu kala taliyo ra'iisalwasaaraha hadda arrimo badan ka dib markii la ogaaday in labadani mas'uul ay farriimo qoraal ah isdhaafsadeen maalintii Britain ay heshiiska ku aadan ka bixitaanka Midowga Yurub la saxiixatay ururkaasi.

Bishii Nofembar ee sanadkan ayaa waxaa soo baxay warar sheegayay in Cameron uu daneynayo in uu ku soo laabto saxada siyaasadda oo uu weliba doonayo in uu noqdo wasiirka arrimaha dibadda ee UK. Tallaabadaasi ayaa hadda ka hor waxaa qaaday Alec Douglas-Home ka dib markii uu xilka ra'iisalwasaarenimada ka degay

 

Sources: BBC Somali