Hargaysa:-Xisbiga UCID Oo Eedihii Ugu Cuslaa U Jeediyey Dhigiisa WADDANI, Kuna Tilmaamay Xisbi Ajande Qaran Dumis Wata

0
Thursday January 03, 2019 - 09:43:32 in by salman abdi
  • Visits: 332
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:-Xisbiga UCID Oo Eedihii Ugu Cuslaa U Jeediyey Dhigiisa WADDANI, Kuna Tilmaamay Xisbi Ajande Qaran Dumis Wata

    Xisbiga UCID Oo Eedihii Ugu Cuslaa U Jeediyey Dhigiisa WADDANI, Kuna Tilmaamay Xisbi Ajande Qaran Dumis Wata

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga UCID Oo Eedihii Ugu Cuslaa U Jeediyey Dhigiisa WADDANI, Kuna Tilmaamay Xisbi Ajande Qaran Dumis Wata

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa eedihii ugu cuslaa dusha ka saaray Xisbiga kale ee Mucaaridka ah ee WADDANI oo uu ku eedeeyey in ay leeyihiin sida uu hadalka u dhigay Ajande qarsoon oo liddi ku ah qaranimada Somaliland, sidoo kalena ay xisbigaasi WADDANI ku jiraan xubno meelo kale ku xidhani.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe waxa uu dhinaca kale sheegay halka ay marayaan wada hadalladii mar kale axsaabta qaranku shalay goradda isku galiyeen Huteel Maansoor ee Caasimadda Hargeysa isaga oo sheegay in maanta oo Khamiis ah mar kale la isku soo laaban doono wixii aragti ah ee ay qabeenna ay ku taliyeen mawqifkooduna mar walba yahay sidii dalkan doorasho uga qabsoomi lahayd sannadka 2019.


 

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo shalay saxaafaddu su’aalo ku waydiisay Huteel Maansoor markii ay shirka ka soo baxeen ayaa waxa uu yidhi: "Xisbi waliba waxa uu leeyahay ajande gaar ah. Mawqifkiisa isaga ayaa u madax bannaan. Annagu danta qaranka ayaannu danta qaranka ka horraysiinaa. Laakiin haddii aanu runta idiin sheegno Xisbiga WADDANI waxa uu wataa ajande aan Somaliland ahayn. Runtama doonaysaan?!!. Waxa uu wataa in aanay dalka doorasho ka dhicin. Waxa ku jira shakhsiyaad aannu ognahay meelaha ay ku xidhan yihiin. Markaa waannu isku dhaaranaynaa in doorasho dhici waydo iyo in ay dhacdo. Taasi ayaa noo ballan ah.”.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi: "Maanta waxa aannu ku heshiinay in aan la hadal oo aan wax war ah la bixin. Wali wada hadalladii way socdaan oo waxaanu maanta ku ballanay soo seexda iyo aan isku soo noqono. Laakiin waxaan idiin sheegayaa Insha ALLaahu tacaalaa annagu UCID ahaan saddexda xisbi markii ay yimaaddeen annagu waxaanu keenay dhexdhexaadin iyo in meel dhexe la isugu yimaad. Meeshaa dhexe labada qoloba (WADDANI iyo KULMIYE) way na diideen. Haddana waa la isku soo noqday. Waxa aanu ka UCID ahaan u sheegnay ciddii in meel dhexe la isugu yimaad naga ogolaata oo ah waxa loo yaqaano in aan wada guulaysano (WIN WIN Position) ayaan annagu taageeraynaa. Annaga waxa noo asal ah oo aanu doonaynaa in dalkan doorasho ka dhacdo 2019. Haddii ay doorashadu dalkan ka dhici waydo Somaliland mugdi bay galaysaa. Halkaasi ayaanu ka duulaynaa. Markaa haddii Alle Idmo burrito ayaanu idiin warrami doonaa marka aanu shirka ka soo baxno ee aannu xisbigayaga la tashano. Sidoo kale dad badan oo tacab badan galiyey in axsaabtu isku soo noqotona aanu war gelino halka ay wax marayaan. Berri (Maanta) ayaanu iyada oo wax waliba faahfaahsan yihiin ka warrami doonaa”. Ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID.