Musharrixiinta madaxwaynaha Puntland iyo Isimadda oo buriyay go'aankii lagu mamnuucay inay madaxda faderaalka

0
Thursday January 03, 2019 - 16:52:16 in by salman abdi
  • Visits: 405
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharrixiinta madaxwaynaha Puntland iyo Isimadda oo buriyay go'aankii lagu mamnuucay inay madaxda faderaalka

    Musharrixiinta madaxwaynaha Puntland iyo Isimadda oo buriyay go'aankii lagu mamnuucay inay madaxda faderaalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musharrixiinta madaxwaynaha Puntland iyo Isimadda oo buriyay go'aankii lagu mamnuucay inay madaxda faderaalka
Shir u dhaxeeyay musharrixiinta madaxweynaha, madaxweyne ku-xigeenka iyo Isimadda dhaqanka Puntland ayaa ku soo gabagaboobay magaalada Garoowe, kulanka oo ka dhacay guriga Islaan Ciise Islaan Maxamed ayaa waxaa looga hadlay arrimaha doorashada Puntland iyo go'aamo dhawaan uu soo saaray guddiga Amniga doorashada Puntland.

 

Go’aamada kasoo baxay waxaa ka mid ah kulanka inay imaan karaan mas'uuliyiinta dowladda faderaalka iyo cidkasta oo aan dambi ka gelin Puntland, in shirkadaha xawaaladaha ay shaqayn karaan oo lacagaha loo soo diri karo oo shaqooyinkoodii hore waxba iska badalin, in lagu kalsoonaado doorashada Puntland iyo in ammaanka laga wada shaqeeyo.

Suldaan Bashiir Muuse Kownte oo ka mid ah Isimadda dhaqanka Puntland waxaa uu sheegay in la laalay xanibaad lagu soo rogay dadka u dhashay deegaannada Puntland ee ka shaqeeya dawladda federaalka ah ee Soomaaliya, sidoo kalena aan la xanibi karin xaawaalada musharaxiintana aan cunaqabatayna aan lagu soo rogin.

Suldaan Kownte waxa uu xusay in laysla gartay in si habsami leh ay u dhacdo doorashada sidoo kalena waxa uu xusay in ay la kulmeen madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo isna u taagaan xilka madaxweynaha Puntland.

Afhayeenka musharrixiinta xilka madaxweynaha Puntland,Aadan Maxamed Ciise (Gaadaale) ayaa dhankiisa sheegay in kulankaan uu kusoo gabagaboobay is afgarad lagana wada hadlay arrimaha doorashada, waxa uu inta ku daray in la isku afgartay doorashada inay u dhacdo si cad oo xor ah,isagoo rajo wanagsan ka muujiyay doorashada inay si wanagsan ku dhammaato.

Doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ayaa loo ballamay inay dhacdo siddeeda bisha Jannaayo oo ay maalmo kooban inaga xigaan,ka hor doorashada waxaa xildhibaannada cusub ay dooran doonan guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku-xigeen.